BakiPress.com

Dawlada Somalia ayaa warqad ay kaga cabanayso ciidamada Kenya u dirtay Ururka Midowga Afrika

Posted by admin on July 4, 2013


Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ay kaga cabanayso ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya u diray ururka Midowga Afrika oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya, warqaddan fawsiyaoo lagu tilmaamay qarax siyaasadeed oo soo dhexgalay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya ayaa waxaa kumanaan ciidammo ah oo ka mid ah howgalka AMISOM waxay kaga sugan yihiin gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya, waxayna dowladda Soomaaliya ku eedeysay inaysan ka ahayn dhexdhexaad xiisadaha ka taagan Kismaayo.

Warqaddan oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Somalia ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ayna sababeen dagaalladii ka magaalada Kismaayo oo ay ku dhinteen 55-qof oo rayid u badan ayna sidoo kale ku dhaawacmeen 155-qof oo kale.

Dubalamaasiiyiinta gobolka iyo kuwa Soomaalida ayaa shaki weyn ka qaba in Kenya ay doonayso inay gudaha Soomaaliya ka sameysato aag aan looga soo gudbin dalkeeda oo dhibaatooyin dhinaca ammaank ah kala kulmay Al-shabaab oo ah koox islaamiyiin ah.

Soomaaliya ayaa waxay muddo labaatan sano ka badan kusoo jirtay dagaal sokeeye oo dhibaatooyin badan geystay, ciidamada AMISOM oo ay ku jiraan kuwa AMISOM oo ay qayb ka tahay kuwa Kennya ee dariska ah ayaa waxaa Soomaaliya inay isbedel ka sameeyaan, inkastoo ay isbedel muuqda ka gareen howlgalladooda.

Xukuumadda Kenya ayaa waxay dhowr jeer oo sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay xiisadaha ka taagan Jubbooyinka, iyadoo sidoo kalena ay taliska AMISOM sheegeen in ciidamada Kenya aysan wax lug ah ku lahayn xiisadda ka taagan Jubbooyinka.

Mas’uuliyiin u hadlay AMISOM ayaa sidoo kale sheegay inay baaritaanno ku sameyn doonaan eedeymo ay dowladda Soomaaliya horay ugu jeedisay inay ku kaceen ciidamada Kenya, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen inay dagaalladii ka dhacay Kismaayo qayb ka qaateen.

Warqaddan dublamaasiyadeed ee ay dowladda Soomaaliya u dirtay ururka Midowga Afirka ayaa noqonaysaa tii ugu horreysay ee nooceeda ah, iyadoo dowladdu ay horay u sheegtay inay doonayso in ciidamada Kenya laga bedelo aagga ay kaga sugan yihiin Soomaaliya lana geeyo kuwo isku dhaf ah oo ka socda dalalka ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya.

Ma jiraan wax jawaabo ah oo kasoo baxay dowladda Kenay iyo ururka Midowga Afrika oo ay ka socdaan ciidamada AMISOM oo ay qaybta ka yihiin kuwa Kenya ka socda, waxaase jiray in khilaafyo noocan oo kale ay dhowr jeer oo hore u soo dhexgaleen Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: