BakiPress.com

Wadahadladii Somaliland iyo Somalia oo la soo gabagabeeyey iyo qodobadii lagu heshiiyey

Posted by admin on July 10, 2013


(Bakipres) — Wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa xalay lasoo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray qodobbo dhowr oo labadii guddi ay isku afgarteen, inkastoo ay jiraan qodobbo la isku fahmi waayay oo dib loo dhigay ka hadalkooda.

Qodobbada la isku afgartay oo ahaa saddex qodob ayaa waxaa ka mid ahaa in la sameeyo guddi ka kooban labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ay maamulaan hawada Soomaaliya, kuwaasoo saldhig ka dhigan doona magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, guddiga labada dhinac waxay isku afgarteen in wadahadallada lasii wado lagana ilaaliyo wax walba oo caqabad ku keeni kara iyo in 120 maalmood gudahood ay isugu yimaadaan shir kale.

“Heshiis ayaan gaarnay innaga iyo guddigii Somaliland ka socday, qodobbo dhowr ah ayaana ku hehsiinnay, kuwa kale oo aan la isku afgaranna waxaa loo dhigay shirarka dambe in laga hadlo. Waxaana isla garanay inaan dib ugu laabanno wadatashiyo mar kalena la isku yimaado,“ ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo warbahainta la hadlay kulanka kaddib.

Wasiirka ganacsiga Somaliland, Maxamed C/llaahi Cumar oo isna saxaafada la hadlay aya sheegay inay labada dhinac isku afgarteen qodobbadii laga hadlay qaarkood sida maamulka hawada Soomaaliya, waxaana isla garanay in lasii wado wadahadalada qodobbada aan la isku afgaranna shirarka kale looga hadlo.

“Labada geesood walaalnimo ayaa ka muuqatay intii wadahadalladu socdeen iyo inay diyaar u yihiin in wadahadalladu sii socodaan, qodobbadii maanta la isla garan waayayna wadatashiyo kaddib looga hadlo shirarka soo socda,” ayuu yiri wasiirka ganacsiga Somaliland.

Qodobbada la isku mari waayay ayaa waxaa ka mid ah in shirarka labada dhinac ee dibadda lagu qabanayo in loo wareejiyo gudaha dalka sida in lagu qabto Muqdisho ama Hargeysa iyo qodob kale oo ku saabsanaa midnimada Soomaaliya.

Wadahadalladan oo ahaa wajigii labaad oo dhinaca Somalia iyo Somaliland ay ku yeeshaan dalka Turkiga ayaa waxay qayb ka ahaayeen qorshayaal lagu doonayo in dhinacyadan ay uga hadlaan ayaaha mustaqbalkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: