BakiPress.com

Diin

WAAJIBNIMADA SOOMIDDA BISHA RAMADAAN FADLIGEEDA IYO ARRIMO KU SAABSAN IYO KA FOGAANTA XUMAAN ISFARIDA, BEEN ABUURKA, ISKU DIRKA, HADALADA XUN-XUN, I,WI,M AYAADAHA HOOS KU QURAN MARKAAD EEKTO MAHANTANA QALBIGAAGU WAXUU NOQONAYAA QALBI NADIIFA.

Allaah, Subxaanahu Watacaala wuxuu yiri:

 

“ Kuwa xaqa ruyeeyoow waxaa laydinku waajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan (aad xumaha ka joogtaan).” Suurada al-Baqrah:Aayada 183.  Waxa kale oo Allaah SWT yiri:

“Waa Maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale (soonkood) kuwa uu dhibina waxay bixin <quudin> Miskiin, ruuxii badsada (Khayrkana) saasaa u fiican, inaad Soontaan yaana idiin khayrbadan hadaad tihiin kuwo wax og.” Suurada al-Baqrah:Aayada184.

 

” Waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa Qur’aanka isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin xaqa iyo baadilka, ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saran maalmo kale, wuxuu idinla dooni Alle fudayd ee idin lama doonayo culays, waana inaad dhamaystirtaan tirada waynaysaanna Allaah wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihiin, ood mudan tihiin inaad mahadisaan Allaah.” (Suurada al-Baqrah:Aayada 185)

1214. Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yirir: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Allaah, kor ahaaye wuxuu yiri: aadanuhu camalladiisa kale oo idil isagaa leh soonkiisa ma’ahee, kaasi anigaa leh oo anigaa abaalkiisa gudi doona. Soonku waa gaashaan la isaga gudbo xumaan falidda iyo Naarta. Sidaa awgeed markii uu midkiin sooman yahay waa inuu iska hayaa oo ka joogaa af xumo oo ka fogaadaa laqwi ku hadlid iyo hadal xun uu qof dhaafsado. Hadii uu qof la diriro ama caayana ha yiraahdo anigu waan soomanahay. ‘ Waa igu Alle ay nafta Muxammad ku jirto Gacantiisa neefta afka qofka soomman Alle agti waa ka udgoon tahay miskiga caraftiisa.’ Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afuraayo, tan labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah).                                       (Bukhaari iyo Muslim)

  Tani waa werintii Bukhaari.

Werin kale oo Bukhaari baa waxay intaa raacineysaa: Alle wuxuu yiri: ‘ qofka soommani wuxuu uga tagaa cunid, cabbid iyo hawoodkiisaba (aniga Allaah) dartey, marka anigaa soonka iska leh aniga baana ka abaal gudi doona. Camallada kale ee wanaagsan (ee la falaa bisha Rammadaan ama  bilaha kale) halkii ajar waa la toban laabaa.

Werinta Imaam Muslim waxay leedahay: Qofka camalladiisa wanaagsan waa loo laalaaba wax badan oo halkii samaan waa toban lab ilaa toddoba boqol lab. Alle kor ahaaye wuxuu yiri: ‘Laakiinse kuma jiro soonka, maxaa yeelay waa cibaado ii barax tiran oo loo falaa dartey ( macnaha waa ma laha xad abaal gudka iyo ajarka soonka) Aniga, Keliya, baa ka abaal gudi doona. (Qofka soomman) wuxuu uga tagaa cunid, cabid iyo hawood dartey Aniga (Allaah). Qofka soommani waxaa u sugnaaday laba farxadood, midda hore waa farxad markii uu afurayo midda labaadna waa farxad kale markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah). Neefta afkiisuna ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga.’             (Muslim)

1215. Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Qofkii u bixiya laba joogood ee wax uun ah Alle dartii, waxaa looga yeeri doonaa iridaha Jannada: Addonkii Alloow, albaab kan baa kuu roon. Qofkii reero salaadeed ahaa waxaa looga yeeri doonaa irridka Salaadda, qolooyinkaa ugu heeganaa Jihaadka dar Alle, waxaa looga yeeri doonaa irridka Jihaadka, qofkii reera soon ahaana waxaa looga yeeri doonaa irridka Rayaan (harraad baxa), qofkii reero sadaqo ahaana waxaa looga yeeri doonaa  (inuu ka galo Jannada) irridka Sadaqada. Abuu Bakar (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuul Alloow, kugu furtay aabbahay iyo hooyadeeye, qofkii irridahaas looga yeeraayo ma jiraan wax lama huraan ah oo laga rabo, qof irridahaas oo dhan looga wada yeedhaayo ma jiraa? Nebigu S.C.W. wuxuu ku jawaabay: Waa jiraa, waxaana rajeynayaa inaad adiga (Abuubakari) ahaan doonto mid ka mida. ‘  (Bukhaari iyo Muslim).

1216. Sahal bin Sacad (A.K.R) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Waxaa jira Jannada gudaheeda irrid la yiraahdo Ar-Rayaan oo ehlu soonkii oo keliya geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka gelin; waxaa la oran doonaa: ‘ Meeye ehlu soonkii?  Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga moomaahee. Markii ay galaan, irridkaa waa la xiri doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood.                      (Bukhaari iyo Muslim)

1217. Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Qofka Muslimka ahi markii uu u soomo hal maalin dar Alle, Alle wuxuu ka fogeeyaa Naarta masaafo toddobaatan sano loo socdo. (Bukhaari iyo Muslim)

1218. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waa laga dhaafi doonaa dembiyadii horey uga dhacay (aan ka baa’irta aheyn.                                                                    (Bukhaari iyo Muslim)

1219. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Markii ay bisha Ramadaan soo gasho iridaha Jannada waa la furaa, iridaha Naartana waa la xiraa, Shayddaammadana waa la xiraa.     Bukhaari iyo Muslim)

1220. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Ku sooma aragtida bil dhalatay ee Ramadaan oo ku afura aragtida bisha Shawaal (soon fur), haddii bila qaris ay noqotana buuxiya soddonka Shacbaan (Soon dheere)                                (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale oo Imaam Muslim werinaayo waxay intaa ku dareysaa: Sidaa si la mid ah,  haddii bil qaris  ay nqoto (daruuro awgeed) dhamaadka bisha Ramadaan, markaa buuciya soonka (soon qaad) 30 maalmood.-

Markaa soonku waxuu kaa fogaynayaa xumaanta warxuma tashiilkana wuu kaa dheeraynayaa markaa dadka walaalaha aan nahay ee muslinka iyo kuwa ila dhashayba waxaan ku waaninlahaa bishaa barakaysan in aay isfaraan wanaaga waxyaabo dadku ka faa,idaystaana aay soo qoraan xumaantana ay iska waa niyaan, waayo aduunyadu waa afar cisho laguma waarayo, ee walaalahay waxaan ku waaninayaa marlabaad inay soo qoraan bishaa rabadaan waxyaabo ku saabsan rabadaanka iyo faa,idada uu leeyahay si dadku aay uga faa,idaystaan taasuu  khayrku ku jirtaa.

ilaahay wanaaga ha,ina garadsiiyo aamiin.

 

 

Qisadii Nebi Aadan

Illaahay  (SW) waxa uu yidhi: “Illaahay waxa uu ka doortay Aadan, Nuux iyo Ibraahim iyo Tafiirtiisi iyo Cimraan iyo tafiirtiisi caalamka oo dhan” (Suuratul Al Cimraan -33)

Nebi Aadan Nebad gelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uu ahaa aabihii ummadan iyo qofkii ugu horreeyay ee illaahay (SW) abuuro, waxaanu illaahay ka fadilay noolaha kale oo dhan, waxaanu ahaa ciddii ugu horaysay ee fadliga leh ee adduunka lagu abuuray.  Waxa lagu dhex abuuray jannada saacadii ugu dambaysay maalinta jimce, lixdii cisho ee illahaay cirka iyo dhulka ku abuuray, sida uu Nebigu (CSW) ku sheegay xadiis uu Muslim weriyay Abu hurreera illaahay raali ha ka noqdee wuxuu yidhi:- Rasuulkii illaahay baa yidhi (Maalin ay cadceedi soo baxdo waxa ugu khayr badan maalinta jimcaha, maalintaa waxa la abuuray Aadan)

Sidee ayaa loo abuuray Aadan (CS)? :-Illaahay (SW) waxa uu doonay in uu abuuro Aadan, iyadoo awoodaha illaahay ay ka mid tahay in uu ahaan siiyo wax aan jirin, illaahay (SW) waxa uu faray malag ka mid ah malaa’iigta sharafta badan in ay soo aruuriyaan noocyada kala duwan ee ciida aynu ku dul noolnahay si looga abuuro Aadan.

Malagii waxa uu qaatay amarkii eebbe waxaana uu soo aruuriyay noocyadii kala duwanaa ee ciida mid madow, mid cad, mid labadaba u dhacaysa, mid adag iyo mid jilicsan, mid qoyan iyo mid qalalan.  Nebigu (CSW) oo arrintaa inooga waramaya waxa uu yidhi: (Illaahay waxa uu qaaday xantoobo ciid ah oo iskugu jirta mid cad iyo mid madow iyo mid labadaba u dhaxaysa, tu wanaagsan iyo tux un iyo wixii labadaba u dhexeeya, dabadeeto waxa uu ka abuuray reer binu Aadan) Waxa weriyay Ibnu Xabaan iyo qayrkii

Sidoo kale Axmedna waxa uu weriyay (Ibnu Aadana waxa laga abuuray qiyaas ciid ah, dabadeed waxa ka ahaaday mid cad, mid cas, mid madow iyo mid labadaba u dhexeeya, mid xun iyo mid wanaagsan iyo mid labadaba u dhexeeya).

Axaadiistani waxa ay inoo sheegaysaa in midabada tafiirtii Nebiyulaahi Aadan ay kala duwan tahay sida ciida looga abuurayba ay u kala duwan tahay, magaciisana waxa loogu bixiyay waxa uu ahaa mid laga abuuray ciida.

Macnaha hadalka Rasuulka (CSW) ee ah (Illaahay waxa uu ku abuuray Nebiyulaahi Aadan suuradiisa)

Macnaha xadiiskani waxa uu inoo sheegayaa in uu illaahay (SW) u abuuray Nebiyulaahi Aadan suuradiisi asalka ahayd, taas oo uu illaahay ku abuuray, dhererkiisu waxa uu ahaa 60 dhundhun, balaciisuna waxa uu ahaa 7 dhundhun. Suuradaa uu illaahay u abuuray waa tu sharaf badan oo maamuus leh.

Abuurkii illaahay u abuuray Nebi Aadan (CS):- Illaahay waxa uu u abuuray sayidunaa Aadan qaabka ugu quruxda badan uguna codka macaan, anbiyada uu illaahay soo diray oo dhamina muuqaal ahaan iyaga ayaa dadka ugu qurux badnaa uguna hadal macaanaa, Nebiguna (CSW) waxa uu yidhi: (Illaahay ma soo diro Nebi haddii kale waxa uu noqdaa mid waji qurux badan leh oo hadal macaan, nebigiinuna waa ka dadka ugu quruxda badan uguna hadalka wanaagsan).

Dhererka Nebi Aadan waxa uu ahaa 60 dhundhun sida geedka timirta oo kale, markii illaahay abuuray nebi Aadan waxa uu ku yidhi:- u tag kooxda malaa’igta ee halkaa fadhida kana dhegeyso waxay kugu salaamayaan, waa salaantaada iyo salaanta umaddaada, dabadeed waxa uu yidhi: Asalaamu Calaykum, dabadeedto waxay ku yidhaahdeen:- Asalaamu Calayka wa raxmatulaahi. Aadan waxa uu yidhi waxay igu kordhiyeen Wa Raxmatulaahi. Qof kasta oo jannada illaahay gelayaana waxa uu gelayaa isagoo leh dhererkii nebi Aadan, sida ku sugan Masnadka iimaamul Axmed.

Abu Hurreera (RC) waxa uu yidhi:- Ehlu jannadu waxay gelayaan jannada iyagoo abuurkii nebi Aadan oo kale leh, dhererkooguna yahay 60 dhundhun, balacooguna yahay 7 dhundhun

Faa’iidada

Illaahay (SW) waxa uu abuuray nebi Aadan, iblaysna waxa uu ahaa mid ku wareega nebi Aadan, waxaana uu ogaaday in uu illaahay abuurayo khalqi aanu gacanta ku hayn. Abu Yaclaa waxa uu yidhi:- Waxa uu ahaa iblays mid nebi Aadan ag mara, dabadeedna yidhaahda waxa la abuurayaa arrin weyn) Xadiiskani waa saxeex waxaana uu inoo sheegayaa xadiiskani in uu iblays degenaa jannada intii aan la abuurin Nebi Aadan.

Markii la abuuray Nebi Aadan iblays waxa uu noqday mid ka gaaloobay illaahay, waayo waxa uu la cibaadaysan jiray malaa’igta isagoo aan ka mid ahayn xaga jinsi ahaan, maxaa yeelay malaa’igta waxa laga abuuray Iftiin, iblaysna waxa laga abuuray dab holcaya.

Iblays waxa uu ahaa mid ku wareega dhoobadii Nebi Aadan laga abuurayay intaan nafta la gelin, waxaanu ogaaday in uu illaahay abuuraayo wax aan la mid ahayn malaa’igta, waxaana uu ogaaday in uu ka daciifsan yahayba ka dib markii uu arkay gudihiisa haawanaya.

Beenta faaftay ee aragtiyaha samayska ah ee ka timid gaalada ee aan lahayn asal iyo raadtoona ee tidhi “Asalka Bini’Aadanku waxa uu ka soo jeeda Daanyeer ama waxa uu u eeg yahay Daanyeer” taasina waa been iska cad. Illaahay waxa uu yidhi koreeye “Bini’Aadanka waxa aanu u abuurnay sida ugu fiican” Suuratul Tiin-4]

Sida hadalkaa illaahay ku cad illaahay waxa uu kareemo siiyay bini’Aadanka waxaanay ka tafiirmeen Nebi Aadan oo aan ahayn Daanyeer, laakiinse ah bini’Aadan  illaahay maamuusay. Illaahay (SW) waxa uu yidhi: “Waxa weyn kalmad afkooga ka soo baxaysa, waxaanay odhanayaan waa been” Suuratul Kaaf-5}

Aragtidii Daaraweyn oo odhanaysay Bini’aadanku waxa uu ka yimid Daanyeer isaga oo soo maray marxalado kala duwan aragtidaasi waa aragti been ah oo aan ku dhisnayn wax aqoon ah, taas oo ay dafireen aqoonyahanadii ka dambeeyay.

Sidii dhacday qarniyo hore illaahay waxa uu baabiiyay yuhuud isaga oo ka dhigay qaarkoodna daanyeero iyo doofaaro, taasina waxay ahayd xaalad markaas uun ahayd oo illaahay ku ciqaabayay yuhuud, yuhuudaas oo ku xad gudubtay sabti illaahayna caasiyay. Taas oo ahayd in ay ku waano qaataan dadka ka dambeeya. Illahaay (SW) waxa uu yidhi: “Waxa aad ogtihiin kuwii ku xadgudbay Sabtida ee idinka idinka mid ahaa waxaanu ku nidhi noqda daanyeero iyo doofaaro” Suuratul Kaaf 65]

Kuwaa uu illaahay halaagay ee uu qaarkood ka dhigay daanyeero iyo doofaaro muddo dheerba may sii noolaan, waxaana la sheegaa in ay noolaayeenba saddex cisho, ayna ka tegin wax taran ah.

Cabashadii Nebi Aadan iyo Muuse:- Waxay weriyeen Bukhaari iyo Muslimba in uu Abu HJurreera (RC) soo weriyay in uu rasuulku (CSW) yidhi:- ( Nebi Muuse ayaa ka cawday Nebi Aadan oo waxa uu ku yidhi adigu kii denbigaaga nooga soo saaray jannada ayaad tahay, Nebi Aadanna waxa uu ugu jawaabay oo adigu rasuulkii illaahay doortay miyaanad ahayn ee uu u doortay risaaladiisi iyo hadalkiisi, oo ma waxaad igu canaananaysaa wuxuu illaahay qoray intaanu i abuurin ka hor)

Sidoo kale Axmed Musnadkiisa waxa ku jira in uu nebi Muuse ku yidhi Aadan (Adigu waxaad tahay aabahayagii na khiyaameeyay oo waxa naga soo saartay jannadii, ka dibna Nebi Aadan ugu jawaabay Illaahay sooka adiga ku doortay ee kuu doortay hadalkiisa, oo ma waxaad igu canaananaysaa arrin illaahay qoray aniga hortay intaanu i abuurin afartan sanno) Wuxuu xujeeyay Aadan Muuse, Muusane waxa uu xujeeyay Aadan.

Sidoo kale Abu Daa’uud waxa uu isna ka soo weriyay Cumar Binu Khadaab in uu yidhi Rasuulkii illaahay ayaa yidhi: Muuse waxa uu yidhi: (Illaahayow i tus Aadan, Aadankii isaga iyo anagaba jannadda inaga soo saaray, dabadeedna illaahay ayaa tusay, waxaana uu ku yidhi: Adigu waxaad tahay aabahayo, Aadanna waxa uu ku yidhi waa runtaa, wuxuu yidhi Muuse adiga ayuu illaahay kugu afuufay ruux kuna baray magacyadiisi malaa’iigtii kalena uu faray in ay kuu sujuudaan, wayna ku wada sujuudeen, waxa uu ku yidhi waa runtaa, wuxuu yidhi Nebi Muuse oo maxaa kugu kalifay in aad naftaada iyo anagaba jannada naga soo saartid. Aadan ayaa ku yidhi adigu yaad tahay?

Wuxuu yidhi anigu waxa aan ahay muuse, ka dibna Aadan wuxuu ku yidhi adigu waxaad tahay Nebigii illaahay reer binu israa’iil illaahay u soo diray ee illaahay la hadlay isagoo illaahay iyo adiga aanay cidi u kala dhexeen wax rasuul ahi, wuxuu yidhi muuse waa runtaa. Wuxuu yidhi Nebi Aadan oo miyaanad ogayn in ay ku taalay kitaabka illaahay intaanu illaahay aniga i abuurin, wuxuu ku yidhi waa runtaa, Aadan wuxuu yidhi oo hadaa maxaad iigu canaanan wax qadarka illaahay hortay sii jiray, wuu xujeeyay Aadan muuse, muusena wuxuu xujeeyay Aadan).

Xadiiskani waxa uu radinayaa dadka diidaya qadarka illaahay, qofka diida qadarka illaahay qofkaasi waa qof canaad ah, axaadiistan aanu soo bandhignayna waa axaadiis badan oo is xoojinaysa.

Waxaad xustaa markii uu illaahay soo saaray arwaaxdii tafiirtii Nebi Aadan ee dhabarkiisa ku jirtay kana qaaday balan

Illaahay waxa uu ballan ka qaaday reer bini Aadan iyagoo ku sugan togoogii aabahood nebi adam maalintii carafe. Illaahay waxa uu yidhi (SW) “Waxaad xustaa markii uu illaahay balanta ka qaaday reer bini Aadan iyaga oo ku jira dhabarkooga markhaati geliyayna nafahooga, illaahay waxa uu ku yidhi miyaanan ahayn rebigiin, waxay yidhaahdeen waad tahay, si aydaan u odhan dharaarta qiyaame waxa aanu ahayn qaar moogan. Amba aanad odhan waxa shariig yeelay aabayaashadii naga horeeyay anaguna waxaanu ahayn tafiirtoodi ka dambaysay, ma waxa aydun nagu halaagi waxay sameeyeen kuwa baadil falayaashu” Suuratul Ca’raaf 172-173}

Waxa ku sugan iimaamu Axmed Musnadkiisa in uu anis binu maalik illaahay raali ha ka noqdee uu ka soo weriyay Nebiga (CSW) in uu yidhi: (Nin Ehlu naarka ka mid ah ayaa waxa lagu odhanayaa maalinta qiyaame haddii aad dhulka wax ku lahaan lahayd miyaad isku furan lahayd? Kaas oo odhanaya haa, waxa lagu odhanaya waxa lagaa doonay wax taa ka fudud oo waxa lagaa qaaday balan adiga oo ku sugan dhabarkii aabaha Aadan in aanad illaahay u shariig yeelin waxba, waad diiday waxna waad la shariik yeeshay). Xadiiskani waxa uu inoo tilmaamayaa in reer binu Aadan uu illaahay balan ka qaaday intii ay ku jireen dhabarkii aabahood Aadan, kuna markhaati geliyay nafahooga.

Abuurkii Xaawa (CS):- Illaahay (SW) waxa uu abuuray xaawa isaga oo ka abuuray faydh bidix ee yar ee Nebi Aadan, sidaas ayaana loogu bixiyay Xaawa, waayo waxa laga abuuray shay nool. Xadiiskii Abu Hureera (RC) werinaayay waxa uu Nebi yidhi “Waar Dumarkiina u dardaarma, gabadha waxa laga abuuray faydh, taas oo ka qaloocda xaga sare, haddii aad is tidhaahdi toosi way jabaysaa, haddii aad iskaga tagtidna ka tagi mayso in ay qaloocsanaato. Waar dumarkiina u dardaarma).

Illaahay (SW) Xaawa muu abuurin iyada oo ilmo yar  ah oo dabadeedna kortay ama uu koriyay Aadan, laakiin wuxuu abuuray iyada oo weyn kuna haboon dhererka Aadan. Illaahay (SW) oo arrintaa inoo faahfaahinaya waxa uu yidhi “Dadyahow illaahay ka baqa kaas oo idinka abuuray naf kaliya, kana abuuray ooridiisi, idinkana beeray rag iyo dumar, illaahay ka cabsada illaahi idin waydiin doona qaraabada” Suuratul Nisaa 1).

Abuuristii xaawa ka dib illaahay waxa uu u guuriyay Xaawa Aadan, waxaana uu ka dhigay oori ugu xalaal ah jannada, sidaas oo kale ayuuna dhulkiina uga dhigay.

U Sujuudidii ay u sujuudeen Malaa’igtu Aadan iyo Diidi iblays iyo ka saaridiisi Jannada

Illaahay (SW) waxa uu faray malaa’igta in ay u sujuudan Aadan malaa’igtuna way qaadatay amarkii eebe wayna u wada sujuudeen malaa’igtii iblays mooyaane, kaas oo is wayneeyay illaahayna ka gaaloobay. Illaahay (SW) oo arrintaa inooga waramayaa waxa uu yidhi: “Dhab ahaantii waanu ku abuurnay dabadeedna waanu ku suuraynay, malaa’igtii ayaana ku idhi u sujuuda Aadan wayna u sujuudeen iblays mooyane, manuu ahayn iblays kuwii sujuuday. Illaahay ayaa ku yidhi maxaa kuu diiday in aad u sujuudid markii aan ku faray, waxa uu ku yidhi anigu waan ka khayr badanahay oo waxaad iga abuurtay dab isagana waxa aad ka abuurtay dhoobo” Suuratul Ca’raaf 11-12)

Iblays wuu gaalobay waxaanu muujisay gaalnimo uu ilaahay ku ogaa.

Muslim iyo qayrkii waxa ay weriyeen in Abu Hurreera (rc) uu ka soo weriyay Nebiga (CSW) in uu yidhi; (Haddii uu ku nagaado Ibnu Aadan Sujuud shaydaanku waxa uu kala fogaadaa oohin oo waxa uu yidhaahdaa hoogaygee ibnu Aadan waxa la faray in uu sujuudo waanu sujuuday waxana uu galayaa jannada, anigana waxa la i faray in aan sujuudo oo waan diiday oo waxa aan gelayaa naarta)

Sidee ayay ku ogaatay Malaa’igtu in Ibna Binu’Aadan dhulka fasahaadin doonaan?

Malaaigtu waxay ku garatay arrinkaa wakhtigii hore dhulka waxa ku noolaan jiray jin, kuwaas oo fasahaadiyay dhulkii sida taariikhyanada badhkood sheegayaan Malaa’igtii way gubtay. Dadka qaarkood waxay yidhaahdaan arrintaasi Nebi Aadan ayay ka horaysay qaarna waxay yidhaahdaan waxay ka horaysay boqol kun oo sanno hadalkaasina waa hadalkii Jira, inkasta oo aanu sugnayn.

Sujuudii Malaa’igtu Aadan u sujuudeen waxay ahayd sujuud salaamed iyo sharafeed ee may ahayn sujuudi cibaadada, taas oo ay ahayn jireen sujuuda uu u sujuudo makhluuq cid kale mid banaan sharciyadii inaga horeeyay dabadeed illaahay xaarantimeeyay kuna xaarantimeeyay sharcigeena islaamka.

Degidii Aadan iyo Xaawa ay degeen Jannada:- Illaahay waxa uu faray Nebi Aadan (CS) iyo gabadhiisi Xaawa in ay degaan Jannada, jannadaas oo ah mid lagu waarayo ayna geli doonaan muuminiintu. Illaahay waxa uu u fasaxay Aadan iyo xaawa in ay ku negaadana Jannada iyaga oo ka cunaaya midhaheeda, cabaaya biyaheeda iyaga oo aanay ku dhibtoon daalna aanay ku mudan, iyaga oo helaaya wax kasta oo ay doonaan cunto, cabid geed kaliyaata mooyaane, geedkaas oo illaahay xaaran ka dhigay una diiday in ay cunaan. Waanu uga digay illaahay cadaawada Iblays.

Qur’aarkana kuma jirto Axaadiista rasuulka (CSW) ee sugana laguma hayo nooca uu yahay geedkani, laakiin culimadu way isku khilaafeen oo qaar waxay yidhaahdeen waa geedka la yidhaah: Xanda, qaarkoodna waxayba yidhaahdeen waaba Tufaaxa, halka qaar kalena yidhaahdeen waa Timirta, qaar kalena waxay yidhaahdeen waa geedka Qumbaha. Laakiin wuu noqon karaa intan oo geed mid ka mid ah khaasina waa khilaaf iska yar, xukunkeeduna maaha in la sheego geedka, wax faa’iido ah oo ku jirta sheegidiisuna ma jirto haddii ay jiri lahaydna illaahay ayaa qur’aanka inoogu sheegi lahaa.

Xaawa iyo Aadan waxay iska degenaayeen jannada iyaga oo iskaga raaxaysanaaya wixii nimcooyin ahaa ee illaahay siiyay iyaga oo dhex maraaya dhirtaa goosanayana midhahooga, cabaaya biyaha macaan. Illaahay (SW) waxa uu yidhi “Waxa aanu ku nidhi Aadan deg adiga iyo ooridaadu Jannada ka cuna meesha aad doontaan ha una dhowaanina geedkaa waxa aad noqon doontaan Daalibiine” Suuratul Al Baqra 35.

Sababtii looga soo saaray jannada:- Aadan ayaa khilaafay wixii illaahay u diiday shaydaankii ayaana waswaas ku riday iyaga iyo xaawa . Shaydaankii ayaa waswaasiyay Xaawa iyo Aadan waxaanu ku yidhi la idinkuba diidin geedka ee haddii aad cuntaan waxa aad noqonaysaan laba Malag adduunyadana waad ku waaraysaan. Shaydaankii wuu u dhaartay waxaanu ku yidhi anigu waan idinla talinayaa talo wanaagsan ayaana idin siinayaa waanu khiyaameeyay. Markii ay dhadhamiyeen geedkii waxaaba u muuqatay cawradoodi waxayna bilaabeen in geedka caleemahoodi ku qariyaan cawradooda. Illaahay ayaa u dhawaaqay oo ku yidhi: “Miyaanan idin diidin geedkaa oona idin odhan shaydaanku waa cadowgiina cadaystay cadaawada” Suuratul Caraa 22.

Aadan iyo Xaawa Jannadii ayuu illaahay ka soo saaray markaa oo aanu Aadan ahayn Nebiga risaaladana loo soo dhiibin, markii jannadii laga soo saaray illaahay ayuu u tooban keenay. Intaa ka dib Nebilaahu Aadan ubadkiisi waxa uu baray arrimihii islaamka, nebi Aadan Dababadiina waxa denbi ahaa inankiisi Shiis, markii uu shiis dhintay illaahay waxa uu Nebi ka dhigay Idiris, dabadeedna bini’Aadankii badhkood ayaa gaaloobay iyaga oo illaaho ka dhigtay sannamyo, dabadeeto illaahay waxa uu soo diray ambiyo kuwaas oo cidii raacdaa ay galayso jannada, anbiyadaasi waxa kale oo ay uga digaayeen cidii caabuda cid aan illaahay ahay ee beenisa iyaga in ay geli doonaan naar.

Markii Aadan iyo Xaawa laga soo saaray Janada wuu ibtixaamay labadoodaba dabadeeto waxa uu ka dhigay kuwo qaawan oo ay isku muuqato cawradoodu, dabadeena waxay bilaabeen in ay caleemihii geedadka ku asturaan cawradoodi iyaga oo markii hore dharkoogu ahaa nuur.

Ka dib markii illaahay dhulka keenay waxa uu baray habkii ay u noolaan lahaayeen, illaahay waxa uu u soo dejiyay qamadi, waxaana uu baray sida loo beero loona goosto iyo sida loo cuno, illaahay sidoo kale dadkii waxa uu baray lacagta iyo dahabka iyo dheemanta iyo sida loogu shaqayto darhabka iyo danaaniirta.

Nebiyulaahu Aadan waxa uu bini’Aadanka ku leeyahay fadli wayn, xaqaas oo ah kii aabonimo iyo barida habka bini’Aadanku u noolaanayo, qofka diida risaaladii nebiyulaahi Aadana ama badh ka shakhiya kaasi waa gaal. Haddii uu arrinku ahaan lahaa sida dadka qaarkood ay u maleeyaan in aanu Aadan ahayn Rasuul la siman bini’Aadanka laakiin ahaa Xayawaan tafiirtiisuna waxay noqon lahayd uun Xayawaan.

Khilaafkii Labadii Wiil ee Nebi Aadan (CS):-Ilaahay (SW) waxa uu yidhi: “Xus Nebi Maxamadow markii illaahay ku yidhi malaa’igta dhulka waxa aan ka yeelayaa khaliif, waxa ay yidhaahdeen oo ma waxaad ka yeelaysaa cid fasahaadisa dhiigana daadisa anaguna waxa aanu ku tasbiixsanaynaa xamdigaaga oo waanu ku maamusaynaa, wuxuu yidhi waxa aan ogahay waxaydaan ogayn” Suuratul Al Baqra 30.

Aayadani waxay inoo cadaynaysaa in uu illaahay u qadaray in ay is khilaafaan labadiisa inamood iyaga oo isku khilaafay kii dhulka cabiri lahaa citifaacsan lahaana, dhulkaas oo illaahay dhigay dhir, xayawaan, macdano iyo waxyaabo kale oo badan. Illaahay waxa uu uga waramay oo uu baray Malaa’igta in uu dhulka gacanta u gelin doono cid hantida oo cuni doonta wixii ka soo go’a, kalana soo bixi doona macdanaha dhulka hoostiisa ku jira iyadoo qoloba qolo dhaxlaysa.

Malaa’iigtii ayaa illaahay waydiisay :- Illaahayow anagu waanu ku caabudnaa oo midkaayo kuma caasiyo? Illaahay (SW) ayaa u cadeeyay xigmada uu ka leeyahay in uu bani’Aadan ku abuuro dhulka dushiisa iyadoo ay ka mid yihiin cid dhiiga daadin doonta, dhulka kharabi doona oo ay weliba kuwaas ay ka mid yihiin Nebiyo iyo Awliyo. Taas oo weliba Aadan dheer yahay fadli, illaahay waxa uu baray magacyada oo dhan, taas oo uu kaga sareeyay Malaa’igta, ilaa uu Aadan gaadhay in uu sheego magacyadii oo dhan, dabadeeto waxay ogaadeen in uu yahay qof ka fadli badan iyaga.

Mudadii uu ku sugnaa Jannada Aadan iyo Markii laga soo saaray:- Way isku khilaafeen culimadu mudadii uu Nebi Aadan jannada joogay, Xaakin waxa uu sheegay in uu Jannada ku sugnaa intii u dhexaysay Casar iyo Makhrib laakiin sida xooga badan leh waxay sheegaysaa in uu ku sugnaa Jannada 130 sanno. Sidoo kale intii uu noola waxay noqonaysaa 1000 (Kun Sanno) sannado sida ay laga fahmayo taariikhda.

Nebiguna (CSW) waxa uu inoo sheegay:- Waxa laga soo saaray Nebi Aadan jannada maalin jimce ah waxaana adduunka la keenay maalin Jimce ah. Sidoo kale Abu Hureera (RC) waxa uu Nebi (CSW) ka weriyay in uu yidhi: (Maalinta ugu khayr badan ee cadceedi soo baxdo waa Maalinta Jimce, maalintaasi waa maalintii Aadan la abuuray, waa maalintii uu jannada uu galay, waana maalintii laga soo saaray )Muslim.

Goobtii Nebi Aadan uu Dhulka kaga soo degay:- Illaahay (SW) waxa uu faray Aadan iyo xaawa in uu jannada ka guuraan una guuraan dhulka, shaydaana sidoo kale ayuu faray, sidoo kale illaahay waxa uu caddeeyay in ay dhexdooda noqon doonto cadaawad xeel dheer una dhexaysa Iblays oo illaahay naxariistiisa ka fogeeyay iyo duriyada Nebi Aadan (CS) ilaa qiyaamaha.

Aadan sida la sheegay dhulka waxa uu ugu soo hor degey Hindiya oo la odhan jiray Sarniib sida xooga badan leh aawana illaahay wuu la dejiyay in ka yar ka dib Aadan. Nebi Aadan waxa uu yidhi isaga oo deydayaya wayna isku soo dhowaadeen, halkaas ay iskugu soo dhowaadeena waxay ahayd Mustalifa (Waa goob u dhexaysa maka iyo carafe) waxayna isku barteen carafe sidaas ayaana loogu bixiyay carafe. Ka Iblays la yidhaahdo miyaa isagu waxa uu ku soo degay dhulka Ciraaq waxaana la yidhi meesha ugu udgoonka badan leh dhulku waa meeshi Nebi Aadan uu dhulka kaga soo degay,.

Sidoo kale dhulkii uu Nebi Aadan ku soo degay waxa uu ahaa dhulkii ugu wanaagsanaa, waxaana la yidhi waa goobta janada ugu dhow.

Dhisidii Guriga Xaramka:-Illaahay (SW) waxa uu faray Nebi Aadan (CS) in uu dhiso guriga illaahay ee Maka ku yaala wuxuuna yimid maka waana uu dhisay, isagoo ka dhisay shan nooc  oo ciida duurul siina, duurul sayta iyo lugnaan iyo jawdi, seeskeedana waxa uu ka dhisay Xara. Markii uu dhamaystiray dhismaheedi illaahay ayaa u soo diray malag baraaya dadka goobaha cibaadada sidiina way ahayd illaa uu illaahay xalaagay qoomkii reer Nuux, ka dibna ay baabaday Kabcadii ka dibna illaahay u soo diray Nebi Ibraahim oo dib u dhisay.

Haabiil iyo Qaabiil:-Illaahay waxa uu yidhi (SW) “U akhri warkii labadii wiil ee nebi Aadan si dhab ah, markii la siiyay qurbaan ee midkood laga aqbalay kii kalena laga aqbali waayay, waxa uu yidhi waan ku dili waxaana uu ku yidhi kii kale illaahay waxa uu ka aqbalaa uun kuwa alle ka cabsada, haddii gacantaada ii soo fididis aniga si aad ii dishid anigu gacantayda kuu soo fidid maayo si aan adiga kuu dilo, anigu waxa aan ka cabsanaya illaahay, anigu waxa aan doonayaa denbigayga iyo denbigaagaba in aan xambaaratid oo aad noqotid  dadka ahlu naarka ah, taasina waa abaal marinta kuwa daalimiinta ah. Waxay u qurxisay naftiisi in uu dilo walaalkii waanu dilay walaalkii, waxaana uu noqday kuwa guul daraystay, illaahay ayaa u soo diray tuke isagoo baadhbaadhaya dhulka si uu u aaso walaalkii, wuxuu yidhi alla hoogaygee miyaan awoodi kari waayay in aan noqdo sida tukahaas oo kale oo aan u aaso walaalkay, waxaana uu noqday kuwa murugaysan” Suuratul Maa’ida 27- 31

Waxaynu ku soo uruurin doona Qisada Haabiil iyo Qaabiil Xaawa waxay dhashay afartan qof, mar kastana waxay dhalaysay wiil iyo gabadh, Nebi Aadanna wiil kasta waxa uu u dhisi jiray gabadh, Haabiil ayaa doonay in uu guursado qaabiil walaashii oo ka qurux badnayd Haabiil walaashii, dabadeedna qaabiil waxa uu doonay in uu u doorbido isaga, laakiin Aadan ayaa faray in uu guursado iyada waanu diiday, midkastana waxa uu doonay in uu illaahay ugu dhowaado Qurbaan, dabadeena waxay tegeen Maka si ay u soo Xajaan, midkastaana illahaay wuxuu ugu dhowaaday wixii uu doonayay,

Haabiil waxa uu illaahay ugu dhowaadya Neef Xoola ah waayo wuxuu lahaa adhi, qaabiilna wuxuu ugu dhowaaday illaahay dalag ( geed gab) waxaanu lahaa beer, waxa ku soo degay naar waxayna cuntay tii haabiil waxayna iskaga tegtay tii qaabiil waanu cadhooday cadho daran waxaana ku yidhi walaalkii haabiil waan ku dilaya si aanad u guursan walaashay. Haabiil wuxuu ku yidhi illaahay  wuxuu wax ka aqbalaa kuwa isaga ka cabsada.

Habeen habeenada ka mid ah ayuu ku raagay Haabiil meeshii xoolo daaqsiinta Aadan ayaana u diray isaga oo ka soo noqday Xajka walaalkii Qaabiil si uu u soo eego wixii dib u riday, markii uu u tagay waxa uu ku yidhi illaahay adiga ayuu kaa aqbalay anigana igamuu aqbalin, markaas ayuu Qaabiil ku yidhi illaahay dadka wanaagsan ayuu wax ka aqbalaa, qaabiil wuu cadhoodhay dabadeena wuxuu u yimid isaga oo hurda dhagax wayn ayaana madaxa ka saaray.

Waxa la yidhi markii uu dilay Qaabiil Haabiil wuu murugooday ilaa ay is bedeshay urtiisi, dushiisana waxa fuulay shinbiro, xayawaankiina waxay u diyaargaroobeen in ay cunaan, waanu nacay in uu Aadan u yimaado si uu uga murugoodo, waana uu sitay ilaa uu arkay laba tuke oo isku dilay hortiisa, oo midi midkii kale dilay dabadeena afkiisi dheera ku qoday dhulka, ka dibna ku aasay, wuxuu yidhi alla xoogaygee miyaan awoodi kari waayay sida Shimbirkaas oo kale waxaana uu sameeyay sidii shimbirku sameeyay halkii ayuuna ku aasay walaalkii.

Qaabiil waxa uu ahaa kii dilay walaalkii isaga oo ah muslim muumin ah, manuu ahayn gaal laakiin waxa uu ku dhacay denbi wayn ka dib dilkii walaalkii Haabil isaga oo sameeyay dulmi iyo cadawad.

Ibnu Mascuud (RC) waxa uu Nebi (CSW) ka weriyay in uu yidhi: Naf laguma dilo gardaro haddi kale dembiga badh ayuu ku leeyahay ibnu Aadankii (Qaabiil) ugu horeeyay, waayo waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee jideeyay dilka.

Dhimashadii Nebi Aadan iyo Xaawa:-  Wuxuu noola Nebi Aadan kun sanno, boqol iyo sodan sanno wuxuu ku qaatay jannada wuxuunu dhulka ku noola kun sanno, markii uu dhintay umadiisa waxa uu kaga tegay diinta islaamka iyo iyaga oo caabudaya illaahay kaligii waxna aan u shariik yeelayn. Dadkii waxay sii noolaayeen kun sanno oo kale iyaga oo haysta diinta islaamka manay jirin gaal iyo mushrik, waxay timid gaalnimada iyo mushriknimadu Nebiyulaahi idiris (CS) ka dib.

Nebi Nuux waxa uu ahaa Nebigii ugu horeeyay ee illaahay gaalo u soo diro. Nebi Aadan waxa lagu aasay Maka ama buurta mina meel u dhow masaajidka Khiifa, iyada oo imika aan laga arkayn calaamado ku tusaaya, waxa kale oo la sheegay in uu ku aasan yahay buurtii uu ku soo degay ee Hindiya, waxa kale oo la sheegay in uu ku aasan yahay buurta Abu qirays la yidhaahdo ee maka illaahay baa og.  Sidoo kale waxa la sheegay in ay nooleed Gabadhiisi Xaawa Nebi Aadan ka dib sannad, waxaana la sheegay in lagu aasay magaalada Jida.

Wa Bilaahi Towfiiq

One Response to “Diin”

  1. “No, not only he, it was more I. He did say so, certainly, but I too. . . . You see, dear, I’ll tell you everything; they’re making a match for him with a very rich girl, of very high rank and related to very grand people. His father absolutely insists on his marrying her, and his father, as you know, is an awful schemer; he sets every spring working; and it’s a chance that wouldn’t come once in ten years. . . . Connexions, money . . . and they say she’s very pretty, and she has education, a good heart, everything good; Alyosha’s attracted by her already, and what’s more his father’s very anxious to get it over, so as to get married himself. And so he’s determined to break it off between us. He’s afraid of me and my influence on Alyosha. . .”
    アバクロレディース http://minori.hoikuen.ac/diarypro/data/af2.php

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: