BakiPress.com

Rai’sal wasaaraha Masar oo loo magacaabay Xaazim Albeblaawi

Posted by admin on July 10, 2013


Ra’iisal wasaaraha cusub ee Masar ayaa loo magacaabay Xaazim Al-Beblaawi kaasoo durbadiiba hindisay in ururka Ikhwaanul Muslimiinka ay qeyb ka noqdaan dowladda uu soo dhisayo.

Madaxweynihii hore ee xilka uu militerigu ka qaaday ayaa ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiinka, iyadoo tani loo arko tallaabo uu Xaazim al-Beblaawi ku doonayo in dib u heshiisiin laga sameeyo dalkaasi, laakin Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ku gacanseyray arrintaas.

Mas’uul sare oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in aanay qeyb ka noqon doonin dowlad kasta oo mustaqbalka laga dhisi doono dalkaas, ilaa xukunka lagu soo celiyo madaxweyinihii xilka laga qaaday ee Maxamad MursDhinaca kale, laba ruux ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday bar kontrol oo ku taalla Jasiiradda Sinai, Weerarka ayaa loo malaynayaa inay fuliyeen kooxo Islaamiyiin ah oo hubaysan, Wararka waxay sheegayaan in lix ruux oo kale lagu dhaawacay weerarkaas oo ka dhacay xadka ay Masar la wadaagto Israel.

Weerarkan ayaa imaanayo saddex maalmood kaddib markii la qarxiyay dhuun gaaska dabiiciga ah u qaadda dalka Urdun oo marta isla Jasiiradda Sinai.

Labo maalin ka hor ayey aheyd markii ugu yaraan 50 oo shacab ah milateriga Masar ku laayeen magaalada Qaahira kuwasoo ka tirsanaa taageerayaasha ikhwaanul Muslimiinka ka dib markii ay ku dhaqaaqeen dibed baxyo xoogan oo rabshado watay iyagoo diidan xilka ka qaadista Mursi.

Leave a comment