BakiPress.com

Suugaan

Maansadan waxaan tiriyey 08/02/2011 xili saacadu ahayd 11:00 fiidnimo maansadan waxay igu dhalatay ka dibmarkaan TV yada iyo Website dadaba ka arkay duruufaha aadka u liita ee ay ku nooshahay bulshada soomaaliyee taas oo ah Col, Abaar,Cuduro iyo wax la mid ah aniga oo u fiirsaday ayey dareenkayga ku dhalatay maansadan la magac baxday Shancalaamo lay hadaba aniga oo sheegaya duruufahaa una ducaynaya dalka iyo dadkaba waxa aan u bilaabay sidatan:

Geeraar lacuriyiyo

Gabay caynka laga qoro

Heeladiyo ciyaaraha

Carfigeeda maansada

Suugaantani cudoonka ah

Araarteeda cosob ka ah

Inkastoon codkeediyo

Midheheega curubka ah

Labadaba cadayn jiray

Oon ciriga maansada

Hideheega caanka ah

Ahay curadadeedii

Ababow culays iyo

Caajis igama reebine

Soomaalidan curyaantee

Calankeedii tuurtee

Ruuxba ruux cunaayee

Cilmi kii lahaa iyo

Curdigii dhamaysee

cid dhagaysanaynbaan

kala caagay gabaygoo

caloolyow dartiis iyo

cajab iyo layaab baan

ciil dhabanka haystaa

caawana tixdaan qoray

ceeriyow amaan iyo

sharaf kuma codsanayoo

cilaag uma hadlaayoo

cay iyo fadeexiyo

canaan ulama jeedee

casiiskii na uumaan

cafis tuugayaa oo

caadilkaan baryahayaa

cawo daran soomaalaay

shan calaamo lay eey

shan calaamadoodoo

uumiyuhu ka cararoo

cidhibtood la jaray baad

adiguna ku caan tahay

cuduriyo abaar iyo

jahli iyo colaad iyo

dulmibaad ku caantahay

aakhirana cadaab iyo

chado eebe kuu taal

caku talo aduunyooy

imisaa carruur iyo

waayeel ciroole ah

hooyo caafimaad li’I

xanuunadu curyaansheen.

Imisaa caglay iyo

Cidilaydii xoolaha

Ceel loo aroorshiyo

Caws iyo tigaad iyo

Geed caleenle weydoo

Cuudkeenii abaaruhu

Cidlo ugu qudhbixiyeen

Imisay colaaduhu

Canug soo koraayiyo

Culimiyo dhakhaatiir

Cilmi ruux lahaa iyo

Caqligii dalkoo idil

Ciida hoos ka mariyeen

Imisaa ciyaal iyo

Dhalin wada curdina iyo

Ubax soo cagaaroo

Cashar iyo tacliin iyo

Carbis kiiba waayoo

Jahli cunaha haystaa

Imisaa caways qudha

Hooyo lagu cartamay oo

Carmal iyo dhalaan iyo

Cadrada iyo ugub kii

Dulmi lagu car jabiyoo

Cidlo diif la yuurara

Oo caabuq iyo tuug

Cuur birri magayda ah

Cagta hoos ka mariyeen

Imisaa cishiyo laba

Cudud iyo awood iyo

Ceeg iyo tol badan iyo

Curcur sheeganaayoo

Dhagar caasha galiyoo

Caadaystay dilidoo

Ifka cidhib xun kaga tegay

Aakhirana cadaab iyo

Cadho eebe ugu tagay

Carradayddan gubataay

Ciidaan jeclaayeey

· Intay culimadaadii

Cudhka qoriga haystaan

· Intay caamahaagii

Cabayaan sigaarkee

Caqaartooda jaad ka ah

Darbiyada ku cunayaan

· Cuqaashioyo suldaanadu

Intayn ceeb ka yaabayn

· Intay curadadaadiyo

Caqoonyahanadaadii

Cidhifyada aduunyada

Caydhiyo qaxootiga

Ciirciirayaan wali

· Caflaawoow siyaasigu

Intuu ciidamo qalaad

Caawimiyo ilaaliyo

Casuumaad ka sugayuu

Ka cabsani dadkiisii

· Cidhifyada is dilayaa

Intay waa cajaa’ibe

Midkii cawda loo jari

Shahiid iyo nin culus yahay

· Cadaw iyo sadiiqaa

Intayn kala cadaynee

Dilaal calanka kuu sido

· Caleen kii la saaree

Xilka loo cimaamado

Ina uu cantoobada

Ceesh badan kaqaadoo

Can ka buuxi leeyahay

· Inta ay cadaaladi

Circa kaaga maqantahay

Qabyaaladina ceesh iyo

Tahay caanahaagii

· Intuu afar cad iyo jeex

Ceelalyada dhismuhu yahay

Dadka qaar cabiid yahay

Badhna caaro dheeryahay

· Dastuurkana cifriid iyo

Inta uu cawaan iyo

Kuu qor cilmaanigu

Iimaan kuna cawiranyahay

· Intuu carabku kaligii

Isagoo can iyo daan

Ciridkiyo ilkaha iyo

Candhuuf iyo dhareer neceb

Wax la calashay kaa rabo

Caradaydan gubaneey

Ciidaan jeclaayeey

Calafbaa ku heeroo

Dadkaagaa cashiyey oo

Cinda eersanmayside

Ciilkaa ku noolow

Aniguna casiiskaan

Kucelcelinducada oo

Kaa ceesimaayee

Carrabkaan ku haynoo

Caalimoow allahayoow

Camo iyo watiin iyo

Cayn siin qaaf xamiim iyo

Casri iyo wasaafaad

Cadadkii quraan kiyo

Carshigaaga nuuriyo

Cisigaaga weynbaan

Raboow kuugu cawdee

Soomaalidan cadhawdee

Caqligeedu kala tegay

Allow caafimaad sii

Garaadkana u soo celi

Calankana sarawqaad

By: ABdiwahb Bashir Sh.Omer

(Abdiwahab Bukhaari)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: