BakiPress.com

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Saylici iyo Dawladda Faransiiska oo ku dul shiraya Markab Badda Cas taagan

Posted by admin on December 15, 2013


 Hargeysa(Bakipress) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo ay weheliyaan masuuliyiinta Gobolka Saaxil ayaa kula shiraya Dawladda Faransiiska Markab weyn oo saaka ka shiraacday Duleedka Dekedda Berbera.

saylici6-300x222

Lana oga ujeedada shirka u dhaxeeya Dawladda Faransiiska iyo Somaliland, hase yeeshee sida ay waaheen ku heshay ilo wareedyo xogogaal ah waxa manta magaaladda Berbera laga dareemayey diyaarado kuwa dagaalka ah oo ilaalinya Markabka Faransiiska.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa sida ay wararku sheegayaan waxa ku wehelinaya gudaha Markabka saraakiil ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor xoor, Maayarka C/shakuur Cidin iyo masuuliyiinta Gobolka, laakiin lama oga dhinaca Faransiiska cida saran Markabka.

Ilo wareedka Waaheen warka siiyey waxa ay sheegeen in ay Markabka markii uu fuulay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu u shiraacday dhinaca Badweynta gaar ahaana waxa la sheegayaa deegaanka Karin in ay ku sugnaayeen halkaas oo la filayo illaa afarta galabnimo in ay ku sugnaan doonaan.

Dawladad faransiiska ayaa aad u danaysa Somaliland, waxaanay la leedahay xidhiidh joogto ah iyadoo hawlgalo ka samaysay Aasaarta Taariikhiga ah, Arrimaha dhinaca la dagaalanka Argagixisada iyo budh-cad badeeda, waxaana lagu wadaa kulanka socda in ay arrimahaasi ka mid yihiin.

Dhinaca kale, waxa maalmahan soo baxayey in Shirkadd Faransiis ahi ay danaynayso in ay la wreegto maamulka Dekedda Berbera, iyadoo ay soo baxayaan warar is-khilaafsan oo midkood sheegayo in ay Qaybo ka mid ah Xukuumaddu taageersan yihiin in lagu wareejiyo, halka kuwo kalena ay ka soo horjeedaan.

Arrinta maamulka Dekedda Berbera ee ay shirkadda Faransiiska ahi doonayso ayaa la sheegayaa in Xukuumaddu si weyn ugu kala jabtay, illaa hadana ma jiro war rasmi ah oo ay ka soo saareen arrintaas, iyadoo ay dhawr jeer soo noq noqdeen saraakiisha Shirkadda Blore oo maamusha dekeddo ku yaala Qaarada Afrika.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: