BakiPress.com

opinion

Awdal Mas’uul Kama Aha Qaladaadka Madaxweyne Rayaale

Posted by baashe12 on January 22, 2009

hadhwanaag 2009-01-21 (Hadhwanaagnews)
Deeqa Abdi Guuleed
Middlesex Universitay
Political Science Dep.
UK
deika@live.co.uk
___________________________

Assalamu Allaikum

Akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha badanaw waxaan halkan idin ku salaamayaa salaanta Islaamka ee kor ku xusan, intaas ka dib, ujeedada qoraalkaygani maaha eed macno daran oo xanbaarsan caadifad iyo sheeko baralay waxaase igu kalifay inaan wax ka idhaahdo dareenkayga ku wajahan baaxadaga siyaasada ee Somaliland oo haatan maraysa meel halisa oo dhamaanteen inooga baahan gurmad si aan uga hor tagno burbur laxaad leh oo qarankeenan curdinkaa ku waabariista (ALLAHAYOW NAGA HAY DHIBTA QAYRKAYO KU HABSATAY).

Hadaan u soo dhaadhaco dulucda maqaalkaygan waxaad dhamaantiin ka warqabtaan tacadiga uu ku hayo maamulka somaliland shacabkiisa waxaynu la wada soconaa wiigii u danbeeyay Madaxwayne Rayaale oo mudo hortaagnaa inuu qabsoomo shirkii golaha dhaxe ee UDUB si ay u doortaan musharaxiinta uga qaybgalaysa xisbiga UDUB tartanta Doorasahada madaxtinimada Somaliland waxay noqotay fajac iyo amakaag ka dib markii madaxwayne Rayaale si cadaalada iyo sharciga ka baxsan u soo magacaabay xubno galihiisa wasiirada isla markaana gudoomiye uga dhigay madaxwayne ku xigeenka oo ah musharax ku eekaan doona booska uu hadeer taagan yahay oo soo qabanqaabin doonta shirka UDUB ay ku dooranayaan Musharax hela kalsoonida xisbigiisa hadaba nidaamka Rayaale u magacaabay gudigaasi waa xaaraan ujeedada uu ka lee yahayna waxa weeyaan inuu u adeegsado kooxdan wasiiradaa inay u afduubaan hamigiisa uu rabo inuu kaligii ahaado musharaxa UDUB. taasi waxay qaran jab ku tahay xisbigii talada hayay oo loose garayn doona 80% taageerayaashiisa isbadal doonkaa, Xisbigu waxa uu lee yahay siyaasiyiin mug iyo magac leh oo hanan kara xilka madaxwayne isla markaana keeni kara isbadal dagdaga oo lagu badbaadiyo qaranka sii burburaya waa hadii ay helaan cadaalad iyo dimuqraadiyad u hirgalisa damacooda siyaasadeed ee ay rabaan inay isu sharaxaan si waafaqsan sharciga een ahayn sida uu rabo inuu u afduubo madaxwayne Rayaale shirka lagu dooranayo musharaxiintii UDUB.

Hadaba Akhriste anigoo ka mida jaaliyada reer Somaliland gaar ahaan AWdal masuul kama nihin cadalad darada iyo qaladaadka tagrifalka hantida dadwaynaha ee madaxwayne Rayaale shacabkiisa ku hayo. Waxaad la socotaan cabashooyinka joogtadaa ee ka soo yeedhaya reer Awdal qaabkii loo maamulay isdiiwaan galintii lagu duudsiiyay xaqooda iyadoo aad la socotaan inuu madaxwayne Rayaale markay dhamaatay isdiiwaan galintii uu hanbalyo balaadhan u diray Gudigii doosrasha oo iyagu ah kuwo u afduuban madaxwayne Rayaale isla markaana aan lahayn aqoon iyo karti ay ku gutaan ujeedadii loo soo doortay waxaa markhaati taasi ka ah masuulka u qaabilsan diiwaan galinta commission-ka oo si badheedha ay uga soo yeedheen afkiisa hadalao meel ka dhac ku ah masuuliayada uu hayo isagoo abuuray muran iyo is aamin daro waxaa uu si khaldan uga been sheegay computerska iyo serverka la sheegay inuu yahay mid hadba si gaara loo adeegsan karo waxaa dhaba inuu masuulkaasi ku fail garoobay face-kii hore ee shaqdiisa isla markaana bulsha waynta Somaliland aanay u hayn wax maamuusa iyo kalsooni ay ku haleeyaan hawshooda xooga leh ee u taala Commissionka ee laga rabo inay ku hawlgalaan cadaalad dhaba.

Akhriste waxaynu u baahanahay inaan u damqano danyarta lagu dul tumanayo een awood u lahayn inay maxkamad xaqooda kaga doodaan, waxaynu u baahanay inteena doonaysa isbadal dhaba oo maamul inaan hurdada ka kacno samayno wacyigalin si caruurteenu mustaqbal u yeeshaan.

Guntii iyo gabo gabadii waxaan u soo jeedinayaa Madaxwayne Rayaale inuu ka waantoobo dhibta iyo dulmiga uu ku hayo shacabkiisa isla markaana ku cibro qaato kuwii isaga ka horeeyay inay qabri la galeen camalkoodii oo qudha isla markaana la waydiin doono shar iyo kheyr waxay u qabteen umadii ALLAh masuulka uga dhigay dhib iyo dheef waxay la kulmeen.

Waad mahadsantihiin

Deeqa Abdi Guuleed

Middlesex Universitay

Political Science Dep.

UK
deika@live.co.uk

source:Hadhwanaag

bakipress

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: