BakiPress.com

Xassan Dahir oo la dhigay Xabsiga Habar Qadiijo ee Magaalladda Muqdisho

Posted by admin on June 30, 2013


Xukuumadda Somalia, ayaa waxa ay Jeelka dhigtay Dambiile Xassan Dahir Aweys oo Maqribnimadii xalay laga dejiyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalladda Muqdisho.

Sheekh_Xasan_Daahir%20AweysIllo wareedyo ka tirsan Xukuumadda Somalia, ayaa waxa ay Shabakadda Soomaalidamaanta u xaqiijiyeen in Xasan Daahir Aweys uu ku jiro xabsi ay maamusho Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Xarunta lagu Magacaabo Habar Qadiijo oo ah xarun ciidanka Nabadsugida ay leeyihiin.

Illa wareedka ayaa sheegaya in Xaaladda Xassan Dahir, ay tahay mid wanaagsan, waxa ayna sheegeen in isla Habeennimadii xalay ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Britain oo ku sugnaa garoonka Aadan Cadde ee Magaalladda Muqdisho.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu xaalkiisa yahay mid Cakiran,maadaama Sheikha uu xanuunsanaye, halka wararka qaarna ay sheegayaan inuu xaalkiisa wanaagsan yahay.

Muran iyo dood dheer oo la isla gaaray xalay saqdii dhexe 12:00,kadib ayeey ciidanka Nabadsugida Soomaaliya si qasab ah ukaxeesteen Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay uga soo saareen gacanta wafdigii Cadaado ka keenay.

Warar kale oo ay helayso Shabakadda Warkii.Com  ayaa xaqiijinaya in Odayaashii Xasan Daahir ka keenay Magaalada Cadaado si xun loo jirdilay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah dadkii xalay ay jirdileen ciidanka Nabadsugida ayaa warbaahinta u sheegay in si xun loola dhaqmay.

Wuxuu sheegay in Dowladda ay ka weecatay go’aankii leysla dhigay, wuxuuna tilmaamay in Xassan xoog lagu dhigay Jeelka.

Ugu dambeyntii Xassan Dahir ayaa waxaa lagu wadaa in lala kulan-siiyo Madaxda Dowladda iyo Saraakiil gaar ah.

Leave a comment