BakiPress.com

Wasiirka arrimaha dibedda ee Somalia Fawsiya Yusuf Xaaji iyo safiirka kenya Maxamad Cali Ameeriko oo Kenya u saxeexay badda Somalia todobaadkii hore

Posted by admin on June 24, 2013


Qaar ka mid ah wargeys-yada ka soo baxa Kenya oo uu ka mid yahay (Standard) ayaa waxey qoreen wadahadalo cusub oo u amerikofawsiyadhexeeya wasaaradda arrimaha dibedda Kenya & wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, waxaana 2-da dhinac ay ka wada-hadlayaan mowduuc ku saabsan lahaanshaha qeyb ka mid ah xuduuda dhinaca badda ee kala qeybisa labadda dal, oo ay Kenya sheeganeyo in ay qeyb ka mid ah badda xigta dhinaca Soomaaliya ay leedahay. Dowladda Kenya ayaa horay heshiis mu’aamarad xambaarsan oo aaan soo marin baarlamaan & xukuumad, la gashay xubno uu ku jiro R/wasaarihii hore Cumar C/rashiid  lagu qeexay in lahaanshiyaha dowladda Kenya ee dhulballaaran oo u dhexeeya xudduuda badda ee labadda dal, kana mid ah badda Soomaaliya, waxaa si cad ugu saxiixay heshiiskaasi xubno uu soo diray Cumar C/rashiid, heshiiskaas oo ay si weyn u mucaaradeen baarlamaanka Soomaaliya. Cumar C/rashiid ayaa xilligan door-weyn ka ciyaaraya isku xirka Kenyaanka & Axmed Madoobe, si loo fuliyo qeybihii ka dhimanaa heshiiskaasi, waxaana markii Kismaayo laga saaray Alshabaab u dhexeeyey magaalooyinka Kismaayo & Nairobi si loo dhaqangeliyo heshiiska, waxaana heshiiskaasi ku cad in lagu wareejiyo Kenya qeybo ka mid ah badda Soomaaliya, taa bedelkeedana  in Kenya ay ku gacan siiso Axmed Madoobe & xulufadiisa gacan ku haynta Gobolka Jubbooyinka Wasiiradda arrimaha dibedda Fowsiyo Xaaji Aadan & Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheekada meel dhexe ka soo galay, waxaana shir ay la galeen wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ay ku guuleysteen in ay ka dhaadhiciyaan in maamulka Axmed Madoobe aanu u sharci-yeyn karin Kenya in ay qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, oo ay shidaal ka baarato, waxeyna u soo jeediyeen Kenya in ay la furto wadahadal is-af-garad ah dowladda Soomaaliya oo ay labaddooda (Fowsiyo & Ameeriko) ka wakiill yihiin, waxaana ay rajo ka muujiyeen in dowladda Kenya la siiyo qeyb ka mid ah Xeebta Soomaaliya, waxaase ay shuruud uga dhigeen in meesha laga saaro wax lagu sheegay maamulka ay Kenya taageereyso ee uu horkacayo Axmed Madoobe, ayna dowladda Kenya taageerto mowqifka dowladda Soomaaliya ka taagan tahay arrimaha gobolada  Jubbooyinka & in maamulada isku haya gobolka shir loogu qabto magaalada Muqdisho, ayna Kenya ugu dambeeyso dowladda Soomaaliya arrimaha la xiriira maamul u sameynta gobolada. Qaar ka mid ah Xildhibaanada dowladda Soomaaliya ka socday ee dhowaan ku shirayay magaalada Nairobi ayaa arinta ku saabsan heshiiskaasi si weyn ugu kala qeybsamay, waxaana qaar ka mid ah xildhibaanada oo ka war-helay xilli heshiiskaasi uu gabo-gabo marayey ay eedeyn ba’an u jeediyeen Max’ed Cali Ameeriko,  waxaana mid ka mid ah xildhibaanadaasi oo arrimaha heshiiskaasi ku saabsan aan wax ka weydiinay, balse codsaday in aan magaciisa la xusin, eedeyn ba’an ay dusha ugu tuuray Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya                             Max’ed Cali (Ameeriko) wuxuuna xildhibaanku xusay  in jiritaanka Qaranka Soomaaliya ay ceeb ku tahay  in masiirka Qaranka Soomaaliyeed ay dowlad u noqdaan,  waxna laga weydiiyo kuwa daneystayaal ah oo wax kasta ka hormarinaya danahooda gaarka ah. “Ameeriko wuxuu u isticmaalay awoodii & magacii dowladeed sida badeeco uu isagu leeyahay,  waxaana ceeb & weji gabax ku ah Qaranka Soomaaliya in shaqsi sida Ameeriko (corrupted) ah in loogu yeero mas’uul Qaran, waxa keliya ee uu caanka ku yahay waa                             musuq-maasuq, foojari, lacag la lunsado, viisooyin la iibsado iyo wax la mid ah, haddii safiiradii ay isku xilliga ahaayeen la bedelay in meesha lagu sii hayo waa gardarro” ayuu yiri xildhibaankaas

Leave a comment