BakiPress.com

Prof. Axmad ismaciil Samatar oo khudbad xiisa leh ka jeediyey jaamacada Hargeysa kuna jawaabay mar mawqifkiisa siyaasadeed wax laga weydiiyey “Anigu Uma Baahni mana Ogoli in siddii Illaahay aan hor joogo kolba lay yidhaahdo is Xisaabi is Xisaabi uma baahni, waxaan ahay waan ogahay waxaan Aamin sanahayna waa ogahay, Qof aan uga Baqayo waxaan Aminsanahayna ma jirto oo aan idhahado waatan xisaabtaydii.”

Posted by admin on June 24, 2013


Prof. Axmed I Samatar oo soo Gabo-gabeeyay Socdaalkiisii Gobolada Somaliland kana Hadlay Wixii iska Bedelay sam4Aragtidiisii Hore. Prof.Axmed Ismaciil Samatar ayaa galabta Qudbad dheer ka jeediyey Jaamacadda Hargeysa oo uu kaga hadlayey waxyaabihii uu ku soo arkay socod dheer oo uu ku soo maray Gobolada Somaliland oo dhan marka laga reebo gobolka Sool.

Prof.Axmed wuxuu si qoto dheer uga hadlay waxyaabihii uu la yaabay mudadii uu marayey Magaalooyinka ugu waaweyn Somaliland, isagoo ka hadlay Xaalada nololeed ee bulshada Reer Miyiga iyo reer magaalku ku nool yihiin.

Prof.Axmed Wax uu Bulshada Reer Somaliland u soo jeediyey in ay kala saaran Dawladnimada iyo Qabyaalada oo uu sheegay in Dadka badankoodu mid iskaga dhigeen, Waxa kale oo uu si mug leh uga hadlay in Somaliland ay tahay Qaran wax qabsaday, isaga oo xusay in Somaliland ay ka jirto Siyaasad degan, Dastuurna ay dhigteen, intaasina wuxuu raciyey in ay Qabsadeen Doorashooyin badan taasina ay u sii jiiday ayuu sheegay Dhinca Dimuqraadiyada oo oo uu hoosta ka xariiqay in Somaliland Dimuqraadiyad aad u fiicani ka jirto.

samP1010822Prof.Axmed Ismaciil Samatar oo Si Guud Mar ah uga hadlaya Socdaalkiisii wax uu yidhi. “Horta haddii aynu nahay Shacabka Somaliland iyo Dawladaba waa in ay Maskaxdeena Galinaa in ay Xor nahay, markaas ayaad wax noqon kartaa laakiin qof aan aaminsanayn in uu xor yahay waxba qabsan kari maayo oo maskaxda ayaa laga gumeysanayaa, Ta kale Somaliland waxa ka jira Siyaasad Degen, waxa kale oo shacabku sameysteen Dastuur, waxa kale oo aad qabsateen Doorashooyin taasina waxay idiin jiiday dhincii Dimuqraadiyada, Waxaanse idiin sheegayaa in Somaliland ay hortaagan yihiin carqalado badan oo u baahan in si Midaysan looga Gudbo, laakiin yaynaan ku Sirkhaamin Guulaha badan ee aynu gaadhnay, wax kale oo aan soo jeedinayaa in aynu dawladnimada iyo Qabiilka kala saarno.”Ayuu Yidhi.

sam2Isaga oo hadalkiisa Sii watan wax uu yidhi. “Dal wax uu Dhismaa oo uu horumaraa marka uu wax ka qabto Waxbarashada, Cadaalada, Dhaqaalaha, Biyo Nadiif ah, Wadooyinka, Laydhka, iyo waxyaabo P1010827badan oo kale, laakiin wadankeenu intaasiba in wax laga qabto ayuu u bahan yahay, Haddii waxbarashada ay noqoto Jaamacadihii Tirada ayey ka bateen, waxaan Soo jeedin lahaa in laysku dardaro oo la mideeyo si Arday Tayo lehi uga soo baxdo, Cadaalada iyaduna waa Muhiim Runtii wax habeen dhaweyd ii yimid Beesha Gabooye Salaadiintoodii oo ilmo ka Da’aysay waxaay ii sheegeen in la Xaqiiro oo la gumeeyo iyaga oo sheegay in aanay dadka reer Somaliland aanay Arrintaasi ka galabsan arrimaha noocas oo kale waa Arrimaha Dhibaato inagu keeni kara waana wixii Dumiyey Dawladii Somaliyeed waxaan soo jeedin lahaa in arrimahasi wax laga qabto, dhinca wadooyinka, wadooyin dalkii ma jiran meel kale iska daayo Hargeysa ayaabad arkaysaa in wadooyinkoodu googo’an yihiin, Laydhka waa in iyana Sidda Itoobiya oo kale Laydh jaban la heela oo waana meelaha ugu fiican ee Wax laga sammayn karo haddii ay warashado tahay iyo hadii kale, Biyo Nadiif ahna waa in la helaa, intaasiba dalku wuu u bahan yahay, Anigu Waxaan Makhraati ka ahay in dadka reer Somaliland gaadheen wakhti ay ka Ilbaxeen Siyaasadii ahayd hambada Suga waad ka Xoroowdeen,”Ayuu yidhi

Prof Axmed ismaciil Samatar oo la waydiiyey Sababta uu u tagi wayey Gobolka Sool Wax uu ku jawaabay “Anigu Waan jecelaa in aan Gobolka Sool Tago oo waan ku tallo jiray, oo dee dad badan oo aanu saaxiib nahay aya gobolka ka soo jeeda, lakiin anigu siddii aan doonayey markii ay ii noqon wayday oo in aan dadka dhex gallo sidda Ceerigaabo iyo gobolada kaleba oo dhinca amaanka ah ayaan iska joogay, lakiin dawladu waxay ii sheegtay in Ciidamo aamankayga suga la i siindoono, dhinca Aamanka ayaan uga joogay.”Ayuu yidhi.

sam3Prof Axmed Axmed Ismaciil Samatar oo ka hadlayey Siyaasada Arrimaha Dibada ee Somaliland wax uu yidhi “Dalkani wax uu u bahan yahay Siyaasad Arrimaha Dibada oo leh mid Hadafkeedu cad yahay, ma noqonayso ha nala Ictiraafo laakiin waa in aynu ka hadlanaa siddee ayeynu u raadsanaa in layna Ictiraafo maxaynu u bahanahay in aynu qabsano si ummada adduunku inoo ogaato oo ay inoo timaado inaguna aynu u tagno, Siyaasadaasi oo ku waajahan Barriga Afrika, Afrika iyo Addunyada oo dhan, Addunyaduna waxay leedahay Furayaal Waaweyn, kuwo Dhexe iyo Kuwa Yar yar markaa waa in aad fahantaa in aad doonto Furayaasha Waaweyn, ee aanad ku mashquulin kawa Yaryar.”Ayuu yidhi

Dhanka Kale Ardayda Jaamacada Hargeysa ayaa Su’aalo Darandoori ah Waydiiyey Prof.Axmed Ismaciil Samatar Lakiin Waxa meesha ka cadeyd in Prof Su’aalaha khuseeya Midnimada Somaliweyn iyo Mabaadiidii uu Aaminsanaa in uu ka Xanaaqayey waxaan ka Mid ah, Su’aal ahayd Bal in uu ka Jawaabo halka ay ku danbeysay Fikirkiisii ahaa Midnimada Somaliweyn, iyo in uu ka hadlo Hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya oo uu Gooni isutaaga Somaliland ku sifeeyey caadifad, haadaba madaama oo aad soo martay gobolo badan Somaliland Gooni Isutageedu ma kula muuqda Caadifad, Waxaanu ka jawaabay Prof. Axmed. “Anigu Uma Baahni mana Ogoli in siddii Illaahay aan hor joogo kolba lay yidhaahdo is Xisaabi is Xisaabi uma baahni, waxaan ahay waan ogahay waxaan Aamin sanahayna waa ogahay, Qof aan uga Baqayo waxaan Aminsanahayna ma jirto oo aan idhahado waatan xisaabtaydii, Xassan Sheekh Maxamuudna hadalkiisu Xaq ayuu u leeyahay in uu wuxuu Aaminsan yahay ka hadlo, oo qof walba Xor ayuu u yahay in uu ka hadlo wuxu aamin san yahay,”Ayuu yidhi.

Leave a comment