BakiPress.com

Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia C/Salaan Xaaji Hadliye oo iska fogeeyey eedeyn ay u soo jeediyeen QM

Posted by admin on July 3, 2013


Gudoomiyaha Bandhiga dhexe ee Soomaaliya C/salaan Xaaji Hadliye ayaa beeniyey musuq maasuq ay ku eedeysay Qaramada Cabdisalaam_HadliyeMidoobya oo ahaa in lacago malaayiin dolar gaaraysa oo bankiga tiilay si qaldan soo isticmaalay.

“Aniga waxa aan joogaa wax aan ka badneyn shan bilood. Lacagaha ku qoran warbixintana waxaa ka mid ah kuwa sanado badan ay kasoo wareegeen sida sanadihii 2011 illaa 2012, xilligaasna waxaan ahaa la tliye wasaarada maaliyada. mana ogi meel la taliye lacag ku lunsan karo, intaan joogayna lacagaha baxay si qumaati iyo sharci ah ayey ku baxeen” ayuu intaa ku daray gudoomiye Hadliye.

Waxa uu intaa ku daray inuu aad ula yaaban yahay waxyaabaha ku qoran warbixintan isagoo ugu baaqay kooxda ka tirsan QM ee diyaarisay iney cadeeymo dheeraad ah keenaan oo aysan arinta ku koobin oo kaliya eedeyn. 

“Waxaan doonayaa in aan cadeeyo qolyaha warbixinta QM ay qaldanaayeen una baahan yihiin in wax laga weydiiyo halka ay ka diyaariyeen iyo cida ay xigteen. Raga magacyadoodu ku qoran yihiin warbixinta dowlada ayey shaqo u hayaan lacagahana si sharciga waafaqasan ayey uga qaadeen Bankiga” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha Bandhiga dhexe ee Soomaaliya.

Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay inuusan fahmi Karin ujeedada laga lahaa warbixintan balse uu maleynayo in ay ka dambeeyaan dad ka xun horumarka ay gaartay dowlada Somalia, kuwaasoo doonaya ayuu yiri iney sumcadeeda wax u dhimaan. Warbixin uu soo saaray guddiga QM y qaabilsan la socodka xaalada Somalia ayaa lagu sheegay in la lunsaday lacag gaareysa $12 milyan oo la sheegay in lagala baxay  Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo warbixintu ay ku eedeysay guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdisalaan Cumar Hadliye, inuu ku lug leeyahay lunsashada lacagtaas oo warnixintu sheegtay in %80 ay gashay jeebka shaqsiyaad magacyadoda lagu xusay warbixinta.

One Response to “Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia C/Salaan Xaaji Hadliye oo iska fogeeyey eedeyn ay u soo jeediyeen QM”

  1. Johng511 said

    Howdy! I basically would like to give a huge thumbs up for the good data you’ve got here on this post. I will probably be coming once again to your weblog for far more soon. gdebebgdebed

Leave a comment