BakiPress.com

Wasiir K/xigeenka warfaafinta ayaa ku eedeeyey dawalda Kenya anay ka qaybgaleen dagaalka Kismaayo

Posted by admin on July 1, 2013


Cabdi Shakuur Cali Mire oo ah Wasiir ku xigeenka  warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo warbaahinta kula  hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dagaalada ka socda Kismaayo ay Xukuumadu u aragto in uu yahay dagaal beeleed, isagoona AMISOM ku eedeeyay in ay la safteen garab kamid ah garabyada isku haya Kismaayo.

c_shakuur-cali-mire-1

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in Xukuumadda  ay ka xuntahay in ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan ay la saftaan mid kamid ah garabyada ku dagaalamaya magaaladaasi, waxa uuna sidoo kale wasiir ku xigeenka ku eedeeyay AMISOM in ay madaafiic ku garaaceen xarumaha dowlada ee magaalada Kismaayo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan ay xireen abaanduulihii ciidamada dowlada ee gobolada Jubooyinka Cornell. Cabaas, isagoona xusay in Xukuumadda Soomaaliya aysan             ilaa imika ka war heyn halka uu ku sugan yahay iyo goobta ay ciidamada AMISOM ku hayaan abaanduulaha.

Waxa uu wasiir ku xigeenka tilmaamay in ciidamada AMISOM ay bartilmaameed ka dhigteen xarumo ay Kismaayo kaga sugnaayeen ciidamada dowlada, isagoona ku eedeeyay ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan in ay dil iyo dhaawacba u geysteen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada. 

Cabdi Shakuur Cali Mire Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay soo jeedineyso in ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan laga dhigo ciidamo isku dhaf ah oo wadamo kala duwan leh, halka imika ay ka yihiin kuwa ka socda hal wadan, waa sida uu hadalka u dhigay wasiir ku xigeenka.

Ugu dambeyn wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Shakuur Cali Mire ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan in ay si deg deg ah kusii daayaan Cornell. Cabaas oo ah abaanduulaha ciidamada dowlada ee gobolada Jubooyinka.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa dhawaan xarig u geystay Cornell. Cabaas abaanduulaha ciidamada dowlada ee gobolada Jubooyinka, ayadoona aan la ogeyn halka ay ula dhaqaaqeen iyo meesha  imika ku heystaan, waxaana ciidamada Kenya ee AMISOM qeybta ka ah lagu eedeynayaa in ay qeyb ka yihiin dagaalada ka soconaya magaalada Kismaayo ayna la safteen mid kamid ah garabyada isku haya Kismaayo.

 

Leave a comment