BakiPress.com

Xasan Daahir Aweys oo ka degay madaarka Adaan Cadde Airport ee Muqdisho

Posted by admin on June 30, 2013


Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya gaaray Shiikh Xasan Daahir Aweys oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Xasan Daahir  ayaa waxaa Muqdisho geystay diyaarad ka soo qaadday Cadaado.

Sheekh_Xasan_Daahir%20Aweys Xasan Daahir oo ay wehlinayaan xubno isugu jira Xildhibaanno, Oday dhaqameedyo iyo waxgarad kale ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo halkaasna ay ku soo dhaweeyeen Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaalia. Ammaanka Xasan Daahir ayaa waxaa la wareegay Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee ALPHA GROUP ee wejiyada xirta, wuxuuna garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu ku salaamay dadkii ku soo dhaweeyay.Alpha1

 

Imaanshaha Sheekh Xasan Daahir ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ka dambeysay kaddib wada hadallo ay xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo tagay degmada Cadaado ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kula lahaayeen halkaas, isagoo dhowr jeer diiday inuu magaalada Muqdisho tago, balse ugu dambeyn maanta ogolaaday.

Ammaanka garoonka diyaaradaha ayaa aad loo adkeeyay intii aysan soo cago-dhigan diyaaraddii kasoo qaaday degmada Cadaado, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab uu Muqdisho soo gaaro.

Xubnaha la socday Sheekh Xasan Daahir ayaa waxaa ka mid ah: madaxii warfaafinta ee Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin iyo afhayeenkii kooxdaas, Maxamed Cismaan Caruus oo kasoo raacay deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud iyo xubno horay uga soo raacay Baraawe oo aan magacyadooda la shaacin.

Sheekh Xasan Daahir ayaa toddobaadkii hore isaga iyo rag taageerayaashiisa ah waxay si dhuumaaleysi ah kaga soo baxeen xilli habeen ah xeebta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay taageerayaashiisa kula dagaallameen kooxo taabacsan hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

Xasan Daahir Aweys ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha Ururkii Xisbul Islaam, ka hor intii uusan ku biirin Al-shabaab oo uu ugu dambeeyay naftiisa kala soo baxsaday, waxayna ahayd maalmo ka hor markii uu isu soo dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb ee xaruntiisu tahay magaalada Cadaado.


Salaad Iidoow Xasan (Xiis)

One Response to “Xasan Daahir Aweys oo ka degay madaarka Adaan Cadde Airport ee Muqdisho”

  1. Dino said

    These are the right size for most cleaning jobs, very absorbent, lint free, and best of all reusable.
    You can also keep containers of various colors
    and sizes in different rooms. Equipment should also be serviced on a weekly basis to make them more
    efficient.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: