BakiPress.com

Dibadbax ballaadhan oo lagaga soo horjeeda South Africa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Posted by admin on June 9, 2013


Dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeedo doowlada dalka Koofur Afrika, ayna kasoo qayb galeen masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, ayaa maanta ka dhacay barxada Taalada Daljirka-dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Kumanaan dadweynaha Muqdisho ah ayaa kasoo qayb galay banaan-baxaan, waxayna muujiyeen carada ay ka qabaan dilalka foosha xun dadka Soomaaliyeed eek u ganacsada dalka Koofur Afrika.

Dadweynaha banaan-baxayay ayaa ka kalayimid dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ugu danbeyn ay isugu soo aruureen fagaaraha Daljirka-dahsoon, waxaa kaloo dibax-baxa kasoo qayb galay masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho (Maxamuud Axmed Nuur Tarsan) iyo ku xigeenadiisa, iyo gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo la hadlayay dadweynihii maanta isku soobaxay, ayaa sheegay in dhibaatada dadka Soomaaliyeed loogu geysanayo dalka Koofur Afrika in ciqaabtiisa ay dusha saaranayaan dhamaan shacabka Koofur Afrika.

“Danbi Jamaaci ah ayay South Afrika ay gashay, sababtoo ah Eey hadaad dariiqa ku dileysid ee sixun loo dilahayo waan ka qabaneeynaa maxaa yeelay Eeyga xataa nafbuuleeyahay, marka qof bini’aadan ah oo Afrikaan ah ayaa iyakoo gumeysiga midabkooda ku gumeystay ee midabkooda lagu duleeyay ayay maanta dhaxdooda waxay ku fiirsadeen wiil Soomaaliyeed iyadoo dhagax lagu dilahayo inta la qaawiyay, si wuxuushnimo ah, Insaan kama suuragalo waxaan wuxuush ahayn kama suuragalaan” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir mudane Tarsan.

Sidookale mudane Tarsan ayaa sheegay in hada dadka Soomaaliyeed ay u midoobeen, sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaatada shacabka Soomaaliyeed kaga soo wajahan dalka Koofur Afrika, waxaana uu Soomaalida meel walbo ay joogaan dal iyo dibadba ineey arintaas ka dhiidhiyeen kana dibad-baxeen.

“Waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waxaad ogaatiin in C/naasir uu yahay mideyaha Umadda Soomaaliyeed, geeridiisa iyo ficilka xunoo lagu dilay waxa uu mideeyay umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto, wadan kasto ayaa laga soo banaan baxay, umada Soomaaliyeed waxay iska iloowday khuraafaadkii iyo qabyaaladii iyo qeybiskii, marka wiilkaas dhagaxa lagu dilay waxaa la dhahaa C/naasir Mideeye” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Dadweynaha oo dareenkooda aad u kacsanaa ayaa waxay ku dhawaaqayeen hadalo kadhan doowlada Koofur Afrika, waxaana halkudhigyadaas kamid ahaa “Koofur Afrika hadhacdo” iyo ereyo kale.

Wixii ka danbeeyay markii ay soo ifbaxeen dilalka fooshaxun ee loo gaystay dadka Soomaaliyeed eek u ganacsada dalka Koofur Afrika, ayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad waxay ka xumaadeen arintaas iyagoona ka mudaaharaaday.

War dhawaan kasoo yeeray doowlada Koofur Afrika waxaa lagu sheegay in aad ay uga xuntahay dhibaatada loo geystay Soomaalida dalkas ku dhaqan, bale ilaa iyo hada majirto wax tilaabo cad ah oo ay qaaday doowlada dalkaas.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: