BakiPress.com

Dalal farabadan oo ka mid ah aduunka ayaa dadka somaaliyeed oo gadoodsani ay mudaaharado ka hor sameeyeen safaaraha south africa isla maalin qudha iyo sawirro

Posted by admin on June 8, 2013


Shacabka Somaaliyeed ee qurbajooga ah oo ka gadoodsan kana xumaaday dilka lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka xoogsata dalka South Africa ayaa banaanbaxyo waa weeyn ka hor dhigay inta  badan Safaaradaha dawlada Koonfur Africa ku leedahay qaaradaYurub. 

                                 

Shacabkaan ayaa soo qaatay boorar ay ku sawirnaayeen Soomaali badan oo gudaha dalka South Africa si silic ah loogu dilay balse waxaa ugu darnaa shaqsi Soomaaliyeed oo dhawaan dhagax lagu dilay isaga oo qaawan .

Shacabka Soomaaliyeed ee mudaharaadayay ayaa inta badan hakad galiyay shaqadii guud ee Safaaradaha South Africa ka wadeen dalalka Yurub. Dadkaan oo u badnaa kuwo careeysan oo waliba ku dhawaaqayay hadalo lidi ku ah dawlada South Africa waxa ay qaarkood ku sigteen inay si xoog ah ku galaan gudaha Safaaradaha Koonfur Africa ku leedahay qaarada Yurub.

Banaanbaxyadaan oo isku mar dhacay dalalkii ay ka dhaceen waxaa ka mid ah dalalka Ingiriiska, Holland,                   Sweden, Norway, Finland, Austria, Germany, Switzerland, Italy ,Beljemka, France, Denmark, Mareeykanka , Canada   iyo Australia

                     

Dadka dhigayay Banaanbaxyadaan ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan Banaanbaxyada nuucaan ah oo waliba aysan fiirsan doonin walaalahooda maalin kasta lagu xasuuqayo gudaha dalka South Africa.

Masuuliyiin ka tirsan safaaradaha dawlada South Africa ku leedahay qaarada Yurub ayaa u balan qaaday Soomaalidii Mudaharaadeeysay in codsigooda si deg deg ah wax looga qaban doono loona diri doono hogaanka ugu sareeya ee dalka South Africa .

Qaar ka mid ah Shacabkii careeysnaa ee banaanbaxayay  ayaa ku sigtay inay gudaha u galaan Safaaradaha South Africa ku leedahay dalalka Yurub sida Safaarada magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria.


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: