BakiPress.com

Dagaal maanta ka qarxay magaalada Kismaayo iyo magaalada oo bandow ay ku soo rogeen ciidamada Axmad Madoobe

Posted by admin on June 7, 2013


MAGAALADA%20KISMAAYO%20OKSida ilo xogogaal ahi ay ku soo waramayaan, kadib dagaalkii maanta, waxa isku soo hub urursanaya: Jabhada Raaskaambooni iyo ciidamada Kenya oo dhan ah, Barre Hiiraale, Iftin xasan Baasto, ciidammada dawladda iyo ciidammo huwan ah oo Muqdisho ka soo kicitimay oo iyaguna dhinaca kalea ah.

Hadadan an joogno waxa magaalada Kismaayo gacanta ugu jirtaa ciidamada u hogaamiyo Axmad madoodbe ee loo yaqaan Raaskambooni oo magaalada ku soo rogay bandow. waxana la joojiyey isku socodka lugta iyo gaadiidka. waxa kale oo magaalada korka kaga gedaaman ciidammo isku dhaf ah oo u hogaaminayo Col Barre Hiiraale kana kooban qabaailka degaanka. sidoo kale waxa gudaha magaalada ku sugan ciidammo kale oo xoog badan kana amar qaata Iftin Xasan Baasto oo isaguna ku doodaya inu yahay madaxweynaha dhabta ah ee Kismaayo. wararku waxa kaloo intaa ay ku darayaan in ciidamo huwan ah oo ka soo kicitimey dhinaca magaalada muqdisho iyaguna jidka ay ku soo jiraan. waxana laga cabsi qabaa in xaaladdu faraha ay ka baxdo.

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxa dagaal maanta ku dhexmaray bartamaha magaalada Kismaayo maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidammo taageersanaa mid ka mid ah raggii ku dhawaaqay inay madaxweynaha ka yihiin maamulkii looga dhawaaqay Kismaayo ee Jubaland.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in saddex qof oo laba shacab ah iyo mid ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ay ku dhinteen dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale oo laba ka mid ah ay ahaayeen shacab.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo rogay bandow, iyagoo waddooyinka ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan ka amarqaata maamulka Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo la xiray dhammaan goobihii ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

“Ciidamadii dagaalamay waxay isku horfadhiyaan isgoyska Somali Star ee xaafadda Calanleey, waxaana weli laga maqlayaa magaalada rasaas mararka qaarkood dhacay xiisad ayaana taagan,” ayuu yiri wariyaha HOL uga soo warrama Kismaayo, Xasan Nuur.

Sidoo kale, wariyuhu wuxuu sheegay in xiisad aad u kacsan ay ka jirto gudaha magaalada, dadkuna ay cabsi badan muujinayaan, wuxuuna xusay in baqdinta ugu weyn ee la qabo ay tahay inay mar kale dagaalamaan dhinacyada uu dagaalku dhexmaray.

Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah madaxweynayaasha sheegtay inay madax u yihiin maamulka Jubbaland oo dagaalka qayb ka ah ayaa sheegay inay isku-dayeen ciidammo ka tirsan kuwa Sheekh Axmed Madoobe inay afduubaan taasna ay keentay inuu dagaalku qarxo.

“Dagaalkan wuxuu ahaa mid lagu doonayo in aniga la igu afduubo, waxaana i soo weeraray ciidamada Axmed Madoobe, waana ka baxsaday,” ayuu VOA-da u sheegay Iftin Baasto oo sheegay in weli ay ka taagan tahay Kismaayo xiisad kacsanaan ah.

Xiisaddan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo u dhexeysa rag isku haysta xilka madaxweynimo ee Jubbaland oo ka dhacda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay uga digtay in khilaafka ka taagan Kismaayo uu sababi karo gacan ka hadal.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: