BakiPress.com

Posted by admin on June 7, 2013


neil wiganDowladda Ingiriiska ayaa danjiraha cusub ee Soomaaliya wakiilka uga noqon doona u magacawday Mr. Neil Wigan, kaasi oo bedali doono  Matt Baugh oo horey u ahaa safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya.

Wakiilka cusub ee dowlda Britain usoo magacowda Soomaaliya ayaa sida dowlada Britain ay sheegtay waxa uu xilka la wareegi doonaa Bishan June ee sanadka 2013, waxaa uuna xafiiskiisa uu ku sii shaqeyn doonaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mr. Neil Wigan, oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa sheegay in si weyn uu ugu faraxsan yahay xilkan loo magacaabay, isagoona shaaca ka qaaday in uu wax badan ka qaban doono xaalada dalka Soomaaliya ka taagan, isagoona hoosta ka xariiqay in uu adkeyn doono xariirka Soomaaliya iyo Britain ka dhaxeeya.

Wuxuu sheegay in Soomaalidu ay horumar muuqda ka sameeyeen siyaasadda iyo nabadgelyada sanadihii ugu dambeeyay ka dib, waxa uuna ciidamada isgarabsanaya ku amaaanay guulaha la taaban karo ee ay ka gaareen dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab, sida Mr. Neil Wigan uu sheegay.

Dowlada Britain ayaa mudo sanado ah ka dib, waxa ay ku dhawaaqday in ay dib safaaradeeda kaga furatay Magaalada Muqdisho, taasi oo Britain ay ku micneysay in Soomaaliya haatan laga dareemayo ifafaalo muujinaya Nabad.

Danjirahan cusub ayaa howlaha diplomaasiyadda waxa uu ku soo biiray sanadkii 2000, waxa uuna ka soo shaqeeyay dalal badan oo colaado ay ragaadiyeen, isagoo sadexdii sano ee ugu dambeysay ka shaqeynayay dalka Jamhuuriyadda Dimuqoraadiga Congo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: