BakiPress.com

Prof. Axmad Ismaaciil Samatar oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaaladuu u dhashay ee Gabiley iyo sawirro

Posted by admin on June 4, 2013


Gabiley(Bakipress) Maamulka gobolka gabiley iyo shacbiweynaha ku dhaqan gobolka gabiley, ayaa manta si layaableh u soo dhaweeyey prof axmed ismaaciil samater, oo saaka soo gaadhay gobolka gabile.y.

 

Waxaan kaantaroolka Tuulada caabudla kaga hortagay Maamulka heer gobol iyo heer deg

mo, ee gobolka gabiley, oo lulayey calanka qaranka somailand iyo astaanta ay caanka ku yahay gobolka gabiley, kumaanaan kun oo qof ayaa

iskugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Halbawlaha u ah magaalada gabiley, waxaaney dadweynuhu iskugu biyo shubten barxad weyne ee jaamacada Timada ade, halkaasi oo xaflada balaaadhan lagu qabte .

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiye ku xigeenka jaamacada iyo Dhiinka jaamacada Maxamuud maxamed , waxaaney sidiiran jaamacada ugusoo dhaweeyeen prof axmed ismaaill samater, waxaaney u soo bandhigeen Taariikhdii kala duwaneyd ee ay soo martey jamacadu, waxaaney ku wareejiyeen calanka jaamacada Tima-ade. . Suldaan ibraahin jaamac samater, oo ka mid ahaa Gudida jaamacda, oo halkaasi hadalkooban ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay dadweynaha reer gabiley waxaanu yidhi” Axmedoow ku soo dhawow jaamacadaadii Tima-ade , ee gobolka gabiley, jaamacadu adey ku baahan tahay, adey ku sugaysay,Waxaa lagaa rabaa inaad hiil iyo hooba la garab istaagto, waxaan u mahadanaqayaa dadweynaha reer gabiley ee sida wanaagsan u soo dhaweeyey.” Ayuu yidhi suldaanku . Maayerka degmada gabiley shucayb maxamed muuse waxaanu u mahadnaqay dadweynaha reer gabiley sida wanagasan ee ay usoo dhaweeyeen aqaoonyahankoodii,waxanu yidhi”manta guul iyo sharaf inoo ah ardeygii koowaad ee faslka koowaad la qorey ,waxaynu usoo dhaweyneynaa aqoonyahankii reer gabiley, gabiley waa halkii dugsiga laga qorey ee uu waxbarashada ka bilaabay, waxaan leeyahay kusoo dhawow gobolkaagii,  waxan u mahadnaqayaa ardeyda jaamacada Tima-ade .” . Wasiirki hore ee warfaafinta Somaliland boobe yuusuf ducaale oo halkaasi ka ahdley ayaa sidiiran usoo dhaweeyey prof axmed ismaaciil, waxaanu sheegay inay sugayaa marka uu noqdo, jawaabta uu bixiyo waxaanu yidhi “ hadii aynu nahay dadweynaha reer gabiley prof axmed ismaaciil afka iyo indhahaba weynu kala hadleynaa , marka uu noqdo jawaabta uu bixiyona weynu sugayanaa.”ayuu yihi boobe yusuf  . Badhasabaka gobolka gabiley yuusuf ibraahin geedi,oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey “ prof axmed kusoo dhawow degmadaadii, gobolkaagii, degmada gabiley waa halkii  xidintaadu ku aasneyda, manta gurigaagii jaamacada ayuu yeeshay, waxaanu ka codsaneynaa inaad jaamacada aad masuulka ka tahay aad mataaneyso jaamacada TImada-ade.”ayuu yidhi badhasaabku . Prof axmed ismaaciil samater oo halkaasi ka Hadley,ayaa ka dhawaajiyey ina dadweynaha reer gabiley ay qaadeen  koobka soo dhaweynta , waxaanu sujuudey oo uu dhunkadey  ciida gabiley waxaan hadaladiisii ka mid ahaa” waad mahadsantihiin walalayaal intaanan hadalka bilaabin waxaan doonayaa  inaan dhulkaygii hooyo ee gabiley inaan dhunkado ee halkaa ha iii baneeyo,waxan ka kasheekeeyo Taariikhda gabiley, Gabiley waxay ahayda meesh  aqoonta iyo ciyaaraha kaalinta koowaadka gasho tartanka gobolada, maalin dhaweyda waxaa la tiriyey dadka reer gabiley ee qaatey shahaadad phd , waxaaney gaadheen 20  qof gobol intaasi lihi majiro,waxaa dooneynaa inaau soo celino taariikhdii hore, ardeyda jaamacadawaxaa looga baahan yahay ina tartan adag u gaaan sidii ay gobolka gabiley sharftiisa iyo karaamadiisa ilalaiya.”ayuu yidhi prof axmed ismaaciil . Gabogabdii waxaa halkaasi ka Hadley Wasiirka wasaarada warfaahinta Somaliland abiib diiriye nuur ayaa u mahadnaqay dadweynaha reer gabiley soo dhaweynta wanaagsan ee ay ku qaabileen prof axmed ismaaciil samater waxaanu yidhi “dadweynaha reer gabiley waa lagu yaqaaney soo dhaweynta iyo gobanimada , manta waxaa ku qiyaaso ma garanayo, runtii axmed ismaacil aad iyo aad baan u soo dhaweyneynaa waa nin dadkiis aiyo dadkiisii u yimid, oo agtooda qiime ku leh ninwalbaaba dadkiisa ayuu qiimo ku leeyahay.” . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . IMG_8149 IMG_8139 IMG_8162
C/raxmaan Xaaji Gabiley News Reporter Obsiye2007@hotmail.com Gabiley Office


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: