BakiPress.com

Madaxwaynaha Dalkaasi Kenya Oo Hogaamiye Faroole U Cadeeyay In Ay Ka Go’antahay Taageerada Ay U Hayaan Maamulka Cusub Ee Jubba Land Iyo Axmed Madoobe+SAWIRRO

Posted by admin on June 4, 2013


Nairobi-(Bakipress) Wasiirada arrimaha dibadda Kenya, Marwo Aamina Maxamed oo ah gabadh dhalashadeedu tahay Soomaali, gaar ahaan u asalkeedu ka soo jeedo waddanka Somaliland, ayaa kulan gaar ah u qaban qaabisay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo  Madaxweynaha dalkaasi Kenya   Uhuru Kenyatta.

 

Wasiirada arrimaha dibadda dalka Kenya Amina Maxamed, ayaa kulan gaara la yeelatay Madaxweyne Faroole iyo Waftigiisa ka hor intaanay kulan siin Madaxweynaha Dalka Kenya, iyadoo uu Faroole ku sugnaa dalka Kenya muddooyinkii ugu danbeeyay, waxayna Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo Waftigiisu ka codsadeen Wasiirada  inay la kulan siiso Madaxweynaha Kenya si ay wax iskaga ogadaan dawladda Kenya iyo Maamulka Puntland arrinta Maamulka loo sameeyay Kismaanyo, iyadoo Puntland ay si weyn dabada uga riixaysay shirkii Madaxweynaha loogu doortay maamulkaas Kismaanyo loo dhisay.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u cadeeyay Maamulka Puntland inay ka wada shaqaynayaan tageerida Madaxweynaha Maamulk Kismaanyo loogu doortay Axmed Madoobe. Waddanka Kenya ayay ciidamo tiro badani ka joogaan dalka Soomaaliya, ku waas oo lagu tilmaamo inay qayb ka yihiin ciidamadda AMISOM, balse farsamo ahaan way ka madax banaanyihiin. Kulankan ay yesheen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland iyo Madaxweynaha Kenya, waxa goobjoog ka ahaa, Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Wasiirka arrimaha gudaha maamulkiisa Ilkajiir, Iyo Prof, Maxamed Cabdi Gaandi oo isagu kamid ahaa musharaxiintii isu taagay tartanka Maamul u samaynta Kismaanyo, isla markaana kamid ah dadka sida weyn ugu xidhan dawladda Kenya.

Kulankan oo ay gadhwadeen ka ahayd haweenyda Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, ayaa noqon kara mid shaki badan iyo colaad horleh ka dhaliya dalka Soomaaliya, iyadoo Keenya hadda ay kamidtahay waddamada Jaarka ah ee sida weyn lugta ugula jira arrimaha dalkaasi Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: