BakiPress.com

FADEEXAD Wasiirka Arimaha Dibada Oo Warqad U Qoray Ganacasatada Somaliland Uu Kaga Mancinayo Inayna Ka Qayb Galin Shirkii Maalgashiga Somaliya Ee Dhawaan Ka Dhacay Nairobi Iyo Isagoo Markii Danbe Lagu Dhex Arkay Shirkaas

Posted by admin on June 4, 2013


wasiirka-arimaha-dibadda-oo-khudbadayna

Hergeisa(LUGHAYA.COM) Fadeexadii ugu weyn ayaa soo wajahday siyaasada arimaha dibada somaliland oo baryahan danbe iska Taagdarnayd ka dib markii wasiiraka arimaha dibada somaliland Maxamed C/laahi Cumar uu warqad u qoray Gnacsatada somaliland taas oo uu kaga mancinayo inayna ka qayb galin shir dhawaan bishiii hore 28-19 MAY ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya  kaas oo dhaqaale loogu raadinayey dowlada somaliya.

Hadab Wasiirka  Arimaha Dibada somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa warqad u kala diray shirkadaha waawayn ee laga leeyahay Somaliland iyo rugta ganacsiga Somaliland bisha May 25keedii isagoona wasiirku ku wargaliyey inay ka qayb galin shirka maalgashiga ee dowalada somaliya ay gadhwadeenka ka tahay dabana socda shirkii London ee dhaqaalah loogu yaboohay dowlada somaliya.

Hada Hoos Ka Akhri Warqadii Uu Wasiirka Arimaha Dibada U Qoray Ganacsatada Somaliland Markii Danbise Isagu U Dhuuntay:

DrMohamed

Waxaa xusid mudan in muddo labo cisho ah ka dib uu wasiirka Arimaha Dibada Somaliland  uu shacabka somaliland iyo warbaahintaba majaro habaabiyey isagoona sheegay inuu Nairobi ugu duulayo kaliya sidii uu ula kulmi lahaa Qaramada Midoobay ugalana soo xaajoon lahaa arimahaas ee markii danbe ay somaliland mamnuucday duulimadyada qaramada midoobay isla markaana uu soo xalin doono khilaaf soo kala dhex galay Hay’adaha duulimaadyada u qaabilsan Qaramada Midoobay (ICAO) iyo dowlada somaliland isagoona uu jooga wasiirka duulista iyo hawada somaliland oo ahaa wasiirkii mamnuuqay duulimaadyada Qaramada Midoobay.

Waxooga ka dib waxaa la arkay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo dhex Dhakoweyn shirkii maalgashiga ee dowlada somaliya ay gadhwadeenka ka ahayd iyadoona shucuubta somaliland iyo Ganacsatadii markii horeba laga mamnuucay ku noqotay Afkala -qaad, Hadab dadka somaliland ku dhaqan ayaa arimahan uu ku kacay wasiirka arimaha dibada somaliland u arka mid ah fadeexad weyn oo dul hoganaysa wasaarada arimaha dibada somaliland oo ah halka sartu ka qudhansatahay.

Lughaya.com

Hergeisa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: