BakiPress.com

Fawsiya Yuuuf oo Markale Nairobi ku Saxiixday Heshiiskii Xadaynta Badda ee MoU, ma mari doontaa Wadadii uu maray C/raxmaan C/shakuur

Posted by admin on June 3, 2013


mou_saxiix_fawzia Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo  soo cusboonaysiisay hesiiskii isfahamka (memorandum of understanding – MOU) ee Baarlamaanka Soomaaliya hore  u diidey. haddaba Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya tallaabo intee leeg ayuu ka  qaadi doonaa mar haddii xukuumaddu ku xad gudubtey xeer baarlamaan….

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf  X. Aadam, ayaa heshiiskii Is-fahamka ee Baarlamaankii hore ee Soomaaliya waxba kama jiraan ka  dhigeen waxay markale la saxiixatay Dawladda Kenya.   

Warqadda ay May 31, 2013 Nairobi ku kala saxiixdeen wasiiradaha Arrimaha dibadda  ee Dawladaha Federaalka Soomaaliya iyo Kenya, oo nuqul ka mid ah ay  SomaliTalk.com heshay (hoos ka eeg), waxaa ku cad “Labada Wasiir waxay hoosta ka xarriiqeen sidii loo agaasimi lahaa hab-raaca lagu samaynayo xarriiqda xadaynta  badda”, ayadoo arrintaas asaas looga dhigayo heshiiskii MoU.    

“Wasiiradu waxay lafa gureen heshiiskii hore ee Is-fahamka ahaa (MoU) ee u dhax  maray Kenya iyo Soomaaliya iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa.”

Waxaa isla  markaas durbadiiba Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay aqbashay in Kenya iyo  Soomaaliya wada samaystaan guddi farsamo oo arrintaas kawada shaqaynaya oo loo  bixiyey JCC (Joint Commission for Cooperation).   

Waxaana ku caq qoraalkaas in  guddigaas markiiba la dhaqan geliyey oo “Labada Wasiir ay si rasmi ah u sheegeen  in JCC uu dhaqan galay (Axad) 2-da June 2013, saacada 4:00 galabnimo”.

Sida ku cad qoraalka cusub ee la kala saxiixday, waxaa kulanka labada wasiir  ee arrimaha  dibadda in uu Nairobi ku qabsoomo amar ku bixiyey Madaxweynayaasha Kenya  Uhuru Kenyada iyo Shiikh Xasan, amarkaas oo ahaa in ay sid degdeg ah ku kulmaan  labada wasiir, isla markaasna la diyaariyo sidii Nairobi uu “kulan shaqo” ugu  iman lahaa madaxweynaha Soomaaliya, uuna marti gelin doono madaxweynaha Kenya.

Qadiyadan heshiiska MoU waa mid la xiriirta xornimada dhul ee Qaranka  Soomaaliya, maadaama xukuumaddu saxiixday in gorgortan laga geli karo  dhul-badeedka Soomaaliya (xusuuso MoU-ga boorka laga jaafayo) iyo ayadoo ay  Kenya hore u cadaysatay xad gudubka ay ku soo samaysay dhul-badeedka Soomaaliya  o ay qayb cabiratay.

Qoraalkii la kala saxiixday May 31, 2013 (Halkan ka akhri)

Saxiixii MOU ee Kenya iyo Soomaaliya April 7, 2009

Warar ka  qaar ayaa tibaaxay in Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf,   ay keli ku ahayd goobta ay heshiiskan kula saxiixanaysay wasiiradda Arrimaha  dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed oo ay weheliyeen khubaro Keenyaati ah.

Heshiiskan is-fahamka ee boodhka laga jafay waxaa uu ahaa Heshiiskii MoU-ga ee  muranka lagu gelinayey badda Soomaaliya, islamarkaasna ay Kenya cabiratay  dhul-badeed baaxad-weyn oo ah saddex-xagal (sida  ku cad kharidahaay Keny au gudbisay UN-ka 6dii May 2009).   

Heshiiskii loogu magac daray is-fahamka (memorandum of understanding ama  MOU) waxa uu ahaa kii April 7, 2009 uu magaalada Nairobi ku saxiixay C/raxmaan  C/shakuur Warsame, oo xilligaas ahaa wasiirkii xiriirka caalamiga ah ee DFKMG.   

Laakiin  waxaa heshiiskaas ka dhiidhiyey Baarlamaankii Soomaaliyeed oo August 1, 2009 ayaa kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada  Baarlamaanku ay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas  is-faham. 334 xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay  Waxba kama jiraan (NULL & VOID).   

Muddo dheer ayey qaadatay in go’aankaas  ka soo baxay Baarlamaanka in la gaarsiiyo Qaramada  Midoobey maadaama ay xubno ka mid ahaa golahii wasiirada ee xilligaas ay xagal  daacinayeen. Waxaana ugu dambayntii Qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda  rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii  Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya in uu yahay mid aan la cuskan  karin “in Baarlamaanka Federaalka  kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo  mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin”. Qormada kooban ee UN-ka ayaa  u qornayd sidan:   

  • “The MOU has been rejected by the Parliament of the Transitional Federal  Government Somalia, and is to be hence treated as non-actionable.” UN.

Muddo kaddib C/raxmaan C/shakuur oo ahaa wasiirkii heshiiska Is-fahamka u  saxiixay DFKMG waxa uu isku deyey in uu iska leexiyo masuuliyadda heshiiskaas,  asagoo farta ku fiiqay in Ra’iisul wasaarahii xilligaas Cumar C/rashiid uu  amray in uu saxiixo.   

Maanta waxaa taagan mid taas la mid ah, in Madaxweynaha Dawladda Federaalka  Shiikh Xasan uu amray in heshiiskaas is-fahamka ay markale saxiixdo wasiiradda Arrimaha  dibadda, ahna wasiirka iskaashiga Caalamiga ah.   

Haddaba mar haddii markale la hareer maray go’aankii baarlamaanka, la jebiyey  xeer ay dawladdu ku dhisan tahay ee ahaa in go’aanka baarlamaanku ka sareeyoo  kan xukuumadda, iyo inaan heshiisyo caalami ah la meel  marin karin haddii aan baarlamaanku ansixin, waxaa su’aashu tahay Baarlamaanka  cusub ee Soomaaliya tallaabo intee leeg ayuu ka qaadi doonaa arrintaas.   

Tan kale, haddii arrintaas ay baarlamaanku go’aamo adag ka soosaaraan, ama  shacabka Soomaaliyeed sidii kii hore u diidaan heshiiskan cusub, markaas ma la  arki doonaa Fawsiya Yuusuf Aadam oo ku andacoonaysa ‘waxaa i amray madaxweynaah  in aan heshiiska saxiixo ee isaga arrinta kala hadla’ sidii uu C/raxmaan  C/shakuur Warsame u lahaa ra’iisul wasaraha ayaa i amray markii arrintii uu  saxiixay la qaadacay.

Soomaaliya baddeedu waa xadaysan tahay, laakiin  dhul ayaa ka maqan

Arrinta saxiixa cusub ee May 31, 2013 waxaa si qayaxan ugu cad in la  doonayo xadayn cusub ee badda ayadoo la cuskanayo heshiiskii hore ee Is-fahamka MoU,  kaas oo dhigayey sidan: “Arrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u  dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa “MURAN BADEED”. Sheegashada  labada dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran (yacni  isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas oo ah “Aagga  lagu mursan yahay.” Sidaas waxaa dhigayey heshiiskii is-fahnka ee MoU.   

Ufiirso halkaas: ma jiro meel ay Dawladdii KMG ahayd ama dawladdan cusubi ku  cabiratay aagga Lamu, balse waxaa jira cabbir qeexaya in Kenya cabiratay aagga  la olloga ah Raas-kambooni ee u dhaw Kismaayo (sida ku cad khariidaha weli ku jira  website UN ee Kenya gudbisatey)   

Laakiin, sida taariikhda ku cad, xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya,  gaar ahaan dhanka xiga Soomaaliya, weligeed  muran ma gelin ka hor saxiixii C/raxmaan C/shakuur. Waxaa taariikhda ku cad in  Boqortooyadii Ingriiska iyo Talyaaniga uu dhex maray heshiis dhacay  15kii July 1924, laakiin ay isku raaceen 17kii December 1927, heshiiskaas  Xadaynta dhanka badda waxaa ku cad in shanta (5) jasiiradood ee loo yaqaan LAMA SHAAQA  ay leedahay Soomaaliya – waa jasiirado Koonfur kaga aadan Raas Kambooni.

Sidoo kale, 16kii iyo 26kii June 1925 xiriir dhexmaray safiirkii  Boqortooyada Ingriiska u fadhiyay magaalada Rooma iyo madaxa dawladda & Wasiirka  Arrimaha dibadda ee Boqorkii Talyaaniga ayaa waxay isku raaceen halka la  marinayo xadka dhanka badda, markaas oo la caddeeyey in “Raas kambooni iyo jasiiradaha u  dhaw ay hoos tegayaan dhanka Soomaaliya”.   

Ufiirso halkaan: Fawsiya Yuusuf Aadam arrinta ay hadda Kenya la saxiixatay kuma  saabsana Is-Afgaradkii Caruusha ee 1967 (Arusha Memorandum of Understanding) ee  Soomaalida weli kaga maqan yahay dhulka NFD. Balse waxay saxiixday in boodhka  laga jafo heshiiskii Is-fahamka MOU Badda ee 2009 kaas oo Kenya ay muranka ku  gelinaysay badda Soomaaliya.

Tan kale xadaynat cusub ee la doonayo marka lagu saleeyo heshiiskii  Is-fahamka waxaa Kenya markaas sheegan doontaa in xarriiqda kala qaybin doonta  badda ay u socoto dhanka bari, halka sida caadiga ah xarriiq badeedka kala  qaybisa Kenya iyo Soomaaliya ay tahay mid xagal 90 derejo ah la samaysa xeebta,  una socota Koonfur-bari.

Waxa kale oo xaqiiqa ah in saxiixa cusub ee Wasiirada Arrimaha Dibadda  iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DFS uu yahay mid lagu tirtirayo xeerka Badda Soomaaliya ee Law No.37  oo soo baxay 1972. Waayo, waxaa Soomaaliya leedahay sharci badeed oo qeexaya  cabbirka baddeeda, si qayaxan u sheeegaya in badda Soomaaliya ku cabiran tahay  meel xeebta u jirta 200 mayl-badeed oo ah TERRITORIAL WATERS. tan kale Soomaaliya waxay  saxiixdeay Xeerka badahah Adduunka 1989 ayadoo aan ka tanaasulin xeerka Law No. 37. Fawziya Yuusuf arrintaas kuma caddayn qoraalka ay dacalka ka  saxiixday.

Saxiixa cusub – oo boodhka laga jafayo heshiiskii MoU ee muranka geliyey  badda Soomaaliya – waxaa fuliyey wasiir ka tirsan xukuumadda FS, laakiin  sharciga iyo qaanuunka dalka ilaalintiisa waxaa qaabilsan Baarlamaanka. La  xisaabtanka xukuumadda waxaa qaabilsan baarlamaanka. Haddii la jebiyo ama la  hareer maro xeer baarlamaan, cidda sixidda iyo xisaabtankeeda leh waa  baarlamaanka. Haddaba waxaa shacabku ka dhur sugayaan arrintan xukuumaddu soo  xusboonaysiisay ficilka ay ka qaataan.

Shacabka Soomaaliyeedna waxaa la gudboon sidii ay markale ugu istaagi  lahaayeen difaaca badda Soomaaliyeed.

Qoraalkii ay  saxiixday Fasiya Yuusuf (Halkan ka akhri)

     

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: