BakiPress.com

Soo Dhaweynta Prof. Axmed I Samatar Oo Xukuumadda Somaliland Guddi Heer Qaran Ah U Saartay Soo Dhaweyntiisa

Posted by admin on June 1, 2013


June 1, 2013 Hargeysa(Cadceed) -Imaatinka  Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayay Xukuumadda Somaliland  guddi heer qaran ah u saartay soo dhaweynta oo ah aqoonyahan u dhashay Somaliland oo lagu wado in uu dalka yimaado maalinta Axada ah ee todobaadkan.

sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka baddaha ee Somaliland C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo ka mid ah guddida ay xukuumadu u saartay soo dhawaynta Prof. Samatar, Wasiir Geeljire waxa uu sheegay in ay jiraan guddi aqoonyahano ah oo isku xil saaray soo dhawaynta aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar isla markaana ay wada shaqaynayaan guddidasi is xilqaantay iyo guddida ay xukuumadu u xilsaartay. “Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu dalka imanayaa maalinta Axada ee 2-da bishan June, waxaanu ka soo degaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, iyada oo xukuumada Somaliland na ugu talogashay inay ku soo dhawayso baratakool iyo hab maamuus sare, maadaama oo ay xukuumadu casuuntay.

waxa kale oo jirta guddi aqoonyahano ah oo isku xilsaaray soo dhawaynta Prof. Samatar kuwaasi oo istiikaro iyo boodhadh lagu soo dhawaynayo ku dhejiyay shaarciyada caasimada” ayuu yidhi wasiir Geel jire. C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljire) waxa kale oo uu tilmaamay in Prof. Samatar marka uu ka soo dego magaalada Berbera diyaarad lagaga soo qaadi doono, taasi oo keeni doonta Hargeysa isla markaana uu isagu xubin ka yahay guddida ay xukuumadu u saartay soo dhawayntiisa, waxaanu yidhi “anigu waxan ka mid ahay xubnaha guddida ah ee ay xukuumadu u xilsaartay soo dhawaynta oo la shaqaynaya guddida aqoonyahamiinta ah ee is xilqaamay.

Waxaa laga yaabaa in diyaarad kale lagaga soo qaado Berbera, taasi oo keeni doonta magaalada Hargeysa”. Prof. Axmed Ismaaciil Samater oo ah aqoonyahan u dhashay Somaliland muddana ku noolaa dalka Maraykanka, kana mid ahaa dadka u dhashay Somaliland bal se muddo dheer ka soo horjeeday qadiyada iyo gooni isku taaga Somaliland isla markaana u ololayn jiray qadiyada Soomaali wayn. Sidoo kale Prof. Samater ayaa ka mid ahaa xubnihii isku sharaxay jagada Madaxweynimo ee doorashadii magaalada Muqdisho ay baarlamaanka Soomaaliya ku dooranayeen madaxwaynaha Soomaaliya bishii August ee sanadkii hore, inkasta oo uu ku guuldaraystay tartankaasi bal se ka mid noqday xunaha baarlamaanka dawlada Muqdisho.

Inkasta oo Prof. Samater uu muddo dheer ka mid ahaa aqoonyahamiinta qurba jooga ah ee u dhashay Somaliland ee diidanaa gooni isku taaga Somaliland, ayaa waxa uu shaaciyay in aanay wax suurtogalaya ahayn midnimo danbe oo Soomaaliyeed, ka dib markii uu mudo bilo ah oo uu ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya ku ogaaday xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta koonfurta Soomaaliya iyo sida aanay waxba ugu oolin siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee ka mid ka ah dawlada Soomaaliya.

Waxa kale oo uu Prof. Samater dhawaan sheegay in uu iska casilay xubnimadii baarlamaanka Soomaaliya isaga oo joogay xiligaasi dalka Maraykanka, waxaanu qiray wixii ka danbeeyay muddadaasi gooni isku taaga iyo qaranimada Somaliland iyo sidoo kale hanaanka dimuqraadiyada iyo horumarka kala duwan ee ay Somaliland ku talaabsatay muddada ay jirtay.

Isku soo wada duuboo soo dhawaynta Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si aad ah looga dareemayaa magaalooyinka waaweyn ee Somalialnd gaar ahaana caasimada Hargeysa, Borama, Iyo Gabiley iyada oo boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo lagu soo dhawaynayo lagu dhejiyay shaarciyada

Xigasho: Cadceednews Hargeysa

One Response to “Soo Dhaweynta Prof. Axmed I Samatar Oo Xukuumadda Somaliland Guddi Heer Qaran Ah U Saartay Soo Dhaweyntiisa”

  1. Anonymous said

    Faysal dayib oo udhashay magalada borame prof.samatar aad ayan kusoo dhawaynaynaa waxay nootahay waa noobaryay waanan kufarxsanahay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: