BakiPress.com

War degdeg ah:Mudaaharaaddo saaka subaxdii bilaabmay illa caawana ka socda magaalada Borama

Posted by admin on December 30, 2012


Wafti u hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa maanta galabtii soo gaadhay magaalada Borama.

waftigan oo sida la ogyahay u Siilaanyo u soo diray Borama kadib markii isaga iyo Saylici ay isku mariwaayeen taasoo siilaanyo ka codsaday sayilici in ciisaha loo daayo Maayarka saylac, halka saylicina arrintaa ku gacansaydhay. 

wararku waxa kaloo ay sheegayaan in Siilaanyo shir la qaatay guurtida anu u soo diray inay saylici ku qanciyaan sidii ciise loo siin lahaa maayarka, taasoo saylicina ugu jawaabay in arrinkaa madaxweynaha hore ay isugu diideen. waxay hadana la hadleen odayaasha Samaroon, waxanay ka dalbadeen inay Hargeysa ku wada kulmaan, halka odayaasha Gadabuursi ay ka diideen inay galaan wax gorgortan oo ku saabsan arrimaha Saylac. markii intaa la isdhaafsaday ayaa waftigu Saylici ay ka codsadeen inu raaco si ay arrinta ugala hadlaan odayada gadabuursi.

Hadaba Markii waftigu soo gaadhay Borama ayaa waxa dadweynahu ay kala hortageen mudaaharaad iyaga ka cadhsyan in gorgortan la geliyo doorashada saylac.

wararku waxa kaloo ay sheegayaan in saylici gaadhiga ka soo degay si uu dadka ula hadlo balse loogu jawaabay adigu bal horta nabad nagu dhaaf kadibna waxa dhagax lagu bilaabay gawaadhidii kale ee ka danbeysay waxana halkaa ka dhashay khasaare naf iyo maal labdaba, waxan halkaa ku dhintay wiil dhallinyar ah halka seddex kalena ku dhaawacmeen.

sida la ogyahay waxa mudaaharaadku sii xoogaystay kadib markii dhimashada iyo dhawaca la maqlay illaa hadda oo saacada afrikada bari ay 8:30 weli way socdaan, waxana dadku ay ku dhawaaqayeen Muuse Biixi iyo Cabdiwaraabe ha la soo saaro, labada nin oo ereyo liddi ku ah reer Awdal warbaahinta ka sii daayey muddo dhawr casho laga joogo.

sidoo kale warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in waftiga loo diray 4 oday kuwaas oo u sheegay in aanay wax wada hadal ah aanay diyaar u ahayn, maadaama meyd u yaallo, waxana la filayaa in  berrito  mudaaharaadku sii xoogaysto marka aas wiilka dhintay laga soo dareero

 

Xafiiska warqabadka Baki

Cabdi wahaab Xirsi

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: