BakiPress.com

Magaalada Hargeysa oo caawa ay gilgileen rabshado dhagaxtrrur wata iyo booliska oo rasaas nool adeegsanaya

Posted by admin on December 6, 2012


breaking news Hargeysa 06 Dec 2012 (SNN)- Ugu yaraan hal qof ayaa la sheegay inuu dhintay ilaa tobaneeyo kalena dhaawacyo ayaa soo gaadhay, kadib rasaas ciidanka Boolisku u adeegsaday dhallinyaro fara badan oo caawa mudaharaad ka dhan ah natiijada doorashada ee degmada Hargeysa oo uu qaadacay urur-siyaasadeedka XAQSOOR.

Waxyar kadib markii Guddiga Doorashooyinku caawa fiidkii ku dhawaaqeen natiijada doorashada ee degmada Hargeysa, ayaa boqolaal dhallinyaro ah oo taageersanaa urur-siyaasadeedka XAQSOOR rabasado ka sameeyeen xaafadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa, iyagoo ku soo dhawaaday badhtamaha magaalada Hargeysa.

Haseyeeshee, ciidammada booliska oo adeegsanaya rasaas nool ayaa ka hortagay rabshadaha dhallinyaradaasi samaynayeen oo ay ku guulaysteen inay kala eryaan, waxaanna ka dhashay in wiil dhallinyaro ahi dhinto, isla markaana tiro kale oo lagu qiyaasay ilaa tobaneeyo ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo lagu dawanayo cusbitaallada kala duwan ee Hargeysa.

Dhinaca kale, Masuulyiinta Urur-siyaasadeedka Xaqsoor ayaa shaaciyey in ay qaadaceen natiijada doorashada Degaanka ee Degmada Hargeysa, iyagoo ku dooday inay tahay mid lagu shubtay oo ay ku isu bahaysteen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddiga Doorashooyinka, isla markaana aanay aqbalayn arrintaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: