BakiPress.com

War degdeg ah: warar hordhac ah oo ka soo baxay xarunta komishanka Borama iyo Axsaabta qaranku siday kuraasta u kala heleen

Posted by admin on December 3, 2012


breakingBorama (Bakipress) doorashadii goleyaasha deegaanka  ee qabsoontay bishii Nov 28 keedii ayaa weli loo hanqal taaayay  magaalooyin badan oo ka mida Somaliland, sida Hargeysa, Borama, Burco  iyo Gabiley.

Tirinta codadka ee ururada iyo Xisbiyada ayaa sida ay sheegeen komishanka doorashooyinku la filayay in la soo gabagabeeyo maalintii shalay , balse mad madow soo dhex galay sanaaduuqda qaarkood ayaa dhaliyay khilaaf taasoo keentay in la laalo oo dibeda loo tuuro. Wada hadal dheer oo dhexmaray wakiilada ururada, xisbiyada iyo gudida komishanka ayaa la isla qaatay in dib loo tiriyo 14 ka mida sideed iyo tobonkaas sanduuq, waxaana la laalay oo la kansal gareeyay 4 sanduuq.

Xisbiga Kulmiye ayaa culays ku saaray komishanka tirinta sideed iyo tobonkaas sanduuq oo muran badan dhaliyay, waxaanay sanduuqyadaasi yaaleen  goobaha lagu magacaabo, dhagaxa Madow, Daray Macaane, Sisibta , Xaliimaale iyo Jirjir.

Maanta ayaa la filayay in lagu dhawaaqo natiijada kama dambaysta ah, balse sanaaduuqdaas khilaafku ka dhashay ee markii dambe la isla ogolaaday ayaa keentay inay dib u dhac keento, waxaanay  komishanku shabakada Cadceed u xaqiijiyeen in caawa ay soo gabagabeeyeen tirinta cododkaas.

Tirinta Codadka Iyo Xildhibaanada  ay kale heleen Ururadu  ayaa kala ah:

1) – KULMIYE  18, 000 (Sideed iyo toban kun) Waxaanu Haystaa 10 Xildhibaan 2) – WADANI   17, 000(Todoba iyo toban kun) 5 Xildhibaan

3) – UCID 9,000 (Sagaal Kun ) 3 Xildhibaan 4) – UMMAD 2 Xildhinaan 5) – Dalsan 1 Xildhibaan

 

Si Kastaba ha ahaatee Caawa ayaa si rasmiya loo soo gabagabeeyay tirinta cododka, waxaanay komishanku sheegeen inay maalinta beri ay ee taariikhdu tahay December 3 ay ku dhawaaqi doonaan natiijada kama dambaysta ah. Murashixiinta  ayaa iyagu wadnaha farta ku haya oo kulaba noqonaya xarunta dawlada hoose oo ay ka socoto tirinta codadku.

Cadceednews, Borama

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: