BakiPress.com

Adhi daasad kama ilbaxo Ciisana Binu Axmad kama ilbaxo oo noqotay maahmaahda sannadka – maxaase keeney sidayse ku baxday?

Posted by admin on December 2, 2012


Ciise caloolxumo gadabuursi ayaa silcisay, karaamadana ka qaaday, aakhiradoodana seejisay, waxanay ku noqotay saarxabashi an la saari kaarin iyo nabar aan dawo lahayn. waxay gaadheen heer calaqyada saarka iyo booranaha siyaasadda tumaa ay u soo kala dheereeyan oo la bartay. sedeetamaadkii markay ahayd, dhulka oo nabad ah, ayaa waxa juddii xanuunkooga ogaaday calaqii weynaa ee la odhan jiray gaandhi. durbaankii saarka ayuu u tumay wuxuna ugu luqeeyey: dhulka ciisow adaa iska leh, gadabuursina anaa kaaga qaadaya sidaa ayuuna kaga xooloqaatay arrinkisiina xag Alle ayuu ka socon waayey.

muddo dabadeed ayuu saarxabashigii haddana ku soo kacay oo u qabtay. markan hadaba waxa helay calaqii moorgan la odhan jiray oo gaanni warkooga siiyey. isaguna sidii gaanni ayuu dhegaha kaga eedaamay isagoo leh:  dhulku waa dhul ciise gadabuursow ka bax, illeyn waa intay doonayeene, intay deexdeen oo daateen ayey isagana sidaa xoolo ugu dareeriyeen oo u kaga xoolo qaatay isagana tiisii Alle kama dhigin .

haddana dabayaaqadii sideetankii ayaa mar kale saarxabashiigii qabtay oo u soo kacay, markanna waxa helay calaqyadii ugu waaweynaa SNM. durbaankii la ogaa ayaa loogu dhuftay waxa dhegaha lagaga eedaamay ciise  binu axmad iyo isaaq binu axmad ayaan isku nahay, waxa laga dhaadhiciyey gabaduursi waa hiil, waa cadowgeena waana inan iska dhex qaadnaa dhulkana calanka reer binu axmad an ka taagnaa sidaana an dhulka ku qaybsaneynaa. hadday intaa maqleen, waa siday doonayeene ciise mee! waaka durduro iyo duullaan damin waayey ee derbi walba madaxa ku dhufta. waaka is qanjiidhiyey ee xoolo wuxu lahaa dabada ka soo maray, calaqyadii SNM ee saarxabashiga siyaasadda xarifaanta ku ahaa iyaguna sidaasay  kaga xoolo qaateen. sir ma qabe Allow sahanee Maxaase ka danbeeyey?

waxa ka danbeeyey in lagu awrkacsado, mididoodiina uus ku jabto, gadabuursigii hiilka ahaana laga fadilo lagana hormariyo, binu axmadna noqdo been iyo arrin beynwaas oo lagaga xooloqaatay, waxanay soo tooseen waagii oo dabadooda ka baryey.

Illeyn wax dawo le maahee, haddana waaka saarxabashigii qabtay, markan waxa helay ina Rayaale oo xaalkooga si wanaagsan ula socday. waaka daahir durbaankii ay ku daadan jireen u tumay ileyn waa xariifkaase. saylac iyo sacadiinba waaka isugu daray, waaka sitaadna u raaciyey intay xoolaha u soo dareerinayeen iyo sitaay faadumo rasuul ee ciise sii wada shawakhay – isaguna sidaasuu kaga xoolo qaatay.

ugu danbeyntii waxa isaguna darka iskeeney xasan ciise jaamac gudoomiyaha xaqsoor. xasan wuxu  noqday nin durbaanka saarka iyo booranaha siyaasadda si fiican u garaaca, warkoogana hore u qabay markuu madaxda SNM ahaa. xasan waaka jiib iyo luuqba isugu daray isagoo leh innagaa isku binu axmad ah, nin habari dhashay hal ma seegi waayee, haddii hore an idiin xumanay, maanta waa kama danbeystii iyo binu axmad oo iskaraameeya. dhulka gadabuursi waan ka saarayaa, aniga taa igu halleeya ayuu xasan hadalkiisa ku soo gunaanaday durbaankii saarka iyo booranaha siyaasadana bartii uga garaacay kagana xooloqaatay sida walaalkeen xuseen xaaji saalax maqaalkiisa hoos ku qoran u ku sheegay. isagana arrinkiisii wuxu noday hal bacaad lagu lisay dantuu lahaana ka gaadh, waxana dhacday inu ciise ciil iyo cadho darteed debnaha ruugo, qamuunyana ku seexdo guushiina sirmaqabe samaroon ay ku raacdo.

ogow saarxabashigii ciise galay weli waa halkiisii kamana bixin, welina ma aanay garan halkan salaadu ka xidhmi laadahay, waxana la isweydiinayaa tolow waa kuma calaqa kale ee xasan ciise ku xigi doona, tolow ma anaa mise akhristow waa adiga? maxaase u diiday inay gadabuursi iskala heshiiyaan ooy nabad ku wada noolaadaan inta hadba digaar madow lacag lagaga qaadanayo? gadabuursiguse halkan ciise ka taagan yahay iyagu ma ka taaganyihiin? Cajiib! waxa hubaal ah jawaabtu inay tahay maya kama taagna.

hadal iyo dan, marka halkaa la isla marayo waxa soo baxday maahmaahda ah: adhi daasad kama ilbaxo ciisana binu axmad kama ilbaxo oo  noqotay maahmaahda sannadka. waayo mar maaha oo laba maaha oo seddexmaaha inta ciise binu axmad loo sheegtay, lagagana xoolo qaatay gidaar madowna lagaga dhaqaaqey.

Qore: cabdiraxmaan geedi

Holland

4 Responses to “Adhi daasad kama ilbaxo Ciisana Binu Axmad kama ilbaxo oo noqotay maahmaahda sannadka – maxaase keeney sidayse ku baxday?”

  1. farax said

    CIISE SOMAALI DEGAAN KUMA LAHAA OO WA
    XAQIIQ.1MP HADEY KA HEELAN WA INEY ABAL KU QABAAN,ILEEN WAA INAAN LA YAAL EE.

  2. Fantastic post but I was wanting to know if you could write a litte more on this subject? I’d be very thankful if you could elaborate a little bit more. Many thanks!

  3. I need to to thank you for this very good read!! I certainly loved every little bit of it. I have you saved as a favorite to check out new stuff you post…

  4. This article will assist the internet viewers for creating new blog or even a weblog from start to end.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: