BakiPress.com

Xasan Ciise waa cunsuri Wuxu noola yimid Abtirsiin waa hore dhimatay oo Binu Axmed la yidhaa 200 000 oo doolar oo hor-maris ah ayuu beesha Ciise ka qaatay(Ina Cumar Geelle) kadibna wuxu na dhigay cidlo

Posted by admin on December 1, 2012


Lowyacado(Bakipress)- Siyaasiga xuseen Xaaji Saalax oo ka tirsanaa dadkii ka qayb galay shirkii Ceel-gaal ee beesha Ciise ayaa

si ba,an u weeraray Gudoomiyaha xisbiga Xaqsoor,isla markaana sheegay in isagu halkaasi dhigay beesha Ciise, Siyaasiga oo ka hadlaya shirkaasi ayaa sheegay in Xasan Ciise oo ah hogaamiyaha Xisbiga Xaqsoor uu beesha la dulyimiday Abtirsiin dhimatay,isla markaana siyaasiyiinta Jabuuti lacag kaga soo qaatay in uu xisbigiisa ka nadiifinayo dadka kale ee deegaanka.isla markaana uu dhamaan Saylac iyo lughaya ka soo saari doono beesha Ciise.

Xasan Ciise 200000 (Labo boqol kun dolar ) oo hormaris ah ayuu ka qaatay siyaasiyiin reer jabuuti ah,

Binu axmed ayuu u sheegtay,Anigu waxaan ahaa ninkii shirka ka sheegay in aan dadka deegaanka la cunsuriyaynin,Haddii kale ay beesha Ciise la kulmi doonto doorasho adag oo lagula tartamo deegaanada Saylac iyo Lughaya. Balse wax kale ayaa la,istusay oo waxa qaladka keenay rag meeli u muuqatay,taasina waxa ay keentay khasaaraha aynu maanta halkan la yuurarno.

Hadalka  Siyaasigani waxa ay ku soo beegmaysaa xili Degmooyinka Lughaya iyo Saylac ay beesha Ciise khasaare kala kulantay qorshihii uu xisbiga Xasan Ciise (Xaqsoor) uu ku rabay in uu kaga soo baxo deegaanadaasi.

Doorashadii hore ee barlamanka ee Somaliland ayaa beesha Ciise deeganada Xeebta ka heshay hal kursi,Kursigaasina waxa ku fadhiya Cali Aareeye.Doorashadanina beeshu waxa ay ka heshay tiro aad u liidata taasi oo dhalisay canaan badan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: