BakiPress.com

Xisbiga kulmiye oo gobolada Awdal iyo Selel hogaaminaya codadka illaa hadda la tiriyey iyo xisbiga waddani oo kaalinta labaad ka ciyaaraya

Posted by admin on November 29, 2012


warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaadhaya halka lagu tirinayo codadka Gobolada Awdal iyo salal ayaa sheegaya in xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ugu fadallo cadyahay uguna tiro badanyahay codadka la tiriyey illa iyo maqribkii caawa magaalomadaxda Borama. sidoo kale waxa la sheegaya inu ku xigo xisbiga ummadu. waxa kale oo wararku intaa ay ku darayaan in degmada Saylac u hogaaminayo xisbiga Wadani waxana ku xiga xisbiga kulmiye inta la ogyahay, waxana la saadaalinayaa in reer Awdal ay saylac ka helaan intay ugu yartahay 13 kursi, halka xisbiga Xaqsoor u soo gaadhay khasaarihii ugu weynaa hadhuudhlahana lagu daray.

 

haddaan eegno degmada Lughaya iyo Baki wararku waxa ay sheegayaan in xisbiga Kulmiye kaga horreeyo axsaabta kale oo dhan labadaasi degmo, waxana la sheegayaa xisbiga wadani isga qudhiisu in aanu dabyar shideyn.

isku soo wada xoomiyoo, iyadoo la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo natiijada kama danbeysta ah, hadana saadaasha muuqata iyo ifafaalaha laga soo xiganayo muraaqibiinta xisbiyada u jooga goobta codtirintu ka socoto ayaa sheegaya in xisbiyada kala ah kulmiye, wadani iyo ummada la filayo inay kusoo baxaan tirada codbixiyeyaasha guud ee gobolada awdal iyo selel.

wixii warar ah ee danbe kala soco Bakipress.  

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: