BakiPress.com

Gudoomiye kuxigeenka xisbiga xaqsoor Md. Cali Sandulle iyo saraakiil la socotay oo lagu afduubay degmada Xuddun

Posted by admin on November 26, 2012


Laascaanood(Bakipress) Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Cali Maxamud Axmed Cali Sandulle iyo Saraakiil kale oo uu ka mid yahay Af-hayeenka Ururkaasi Rashiid Jaamac Dheri ayay Maleeshiyo aan ilaa hada la aqoonsani ka af-duubteen meel waqooyi barri ka xigta laascaanood oo la yidhaahdo Xuddun.

Saraakiisha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ee la af-duubtay oo watay laba gaadhi ayaa la sheegay inay ka kicitimeen dhinaca magaaladda Ceerigaabo isla markaana ay u sii jeedeen dhinaca Laascaanood, balse iyaga oo jidka haya waxa jid-gooyo u gashay maleeshiyo loo aanaynayo inay ka tirsan yihiin Khaatumo.

Wararkii u danbeeyay ee naga soo gaadhay Af-duubka loo geystay saraakiisha Urur Siyaasadeedka Xaq-soor waxa ay sheegayaan inaan la haynin meel ay jaan iyo Cidhib dhigeen, wallow ay warar hordhac ah oo na soo gaadhayaa ay sheegayaan in Gurmad badan oo Somaliland ka tagay baadi goob ugu jiraan soo dayntooda.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee dad ka soo horjeeda Doorashada Somaliland ay ku kacaan isla markaana ay khasaare ugu geystaan Madax ku hawlan arrinta Doorashada, wallow laga soo jeediyo Maamulka Puntland hanjabaado ka dhan ah Doorashooyinka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: