BakiPress.com

Faafaahin muujinaysa qaabka loo kala saarayo ururada siyaasadda Somaliland ee ku tartamaya doorashada xildhibaanada dawladda hoose

Posted by admin on November 25, 2012


Hargeya (Bakipress)- Xisbiyada iyo ururrada siyaasadda ee ka qaybgalaya doorashada golayaasha degaanka ee Somaliland ka qabsoomaya 28ka bishan November oo ku beegan Arbacada toddobaadkan, waxa kala-reebistooda loo adeegsanayaa xeerka hab-dhaqanka doorashadaee iftiiminta qodobka 6aad ee xeerka nidaamka ururrada iyo asxaabta siyaasadda, kaasoo hoggaamiyeyaasha ururrada iyo xisbiyadu saxeexeen.

Haddaba, waxa uu wargeyska Jamhuuriya akhristayaashiisa iyo dadweynaha reer Somaliland u soo gudbinayaa iftiimin iyo faahfaahin la xidhiidha xeerka hab-dhaqanka ee lagu sharraxay qodobka 6aad ee xeerka nidaamka ururrada iyo asxaabta siyaasadda si bulshada codaynaysa, murrashaxiinta iyo ururrada tartamaya loogu bayaamiyo qaabka loogu talogalay in lagu kala reebo toddobada urur-siyaasadeed ee doorashada ka qaybgalaya, isla markaana ka soo dhex bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee dalku yeelanayo tobanka sannadood ee soo socda.

Sida ku cad Xeerka Hab-dhaqanka Doorashada oo ay 9 October 2012 si wadajir ah u saxeexeen guddoomiyeyaasha toddobada urur/xisbi ee doorashada ka qaybgalaya iyo toddobada xubnood ee Guddida Diiwaangelinta, waxa ururrada iyo xisbiyada tartamaya lagu kala saarayaa hannaanka isku darka boqolalyda oo ku salaysan kaalinta urur walba ka galo lixda gobol ee dalka, iyada oo aan muhiimad gaar ah la siinayn codadka guud ee ururka amma xisbigu ka helo gobol kasta oo ka mid ah lixda gobol ee dalka Somaliland, marka laga reebo in laba urur darajo isku mid ah ka helaan laba gobol amma wax ka badan, kuwaasoo lagu kala saarayo siday ugu kala codad badan yihiin dalka.

Sida xogaha la helay iftiiminayaan, waxa saddex xisbi qaran u gudbaya saddexda urur ama xisbi ee ugu tirada yaraada isku darka kaalmaha toddobada urur/xisbi ka galaan lixda gobol ee dalka. Tusaale ahaan; haddii urur kaalinta 1aad ka galo Gobolka Awdal, kaalinta 3aadna ka galo Maroodi-jeex, 4aadna uu ka fadhiisto Togdheer, gobolka Sanaag-na 3aad galo, Gobolka Saaxil-na 4aad iyo Sool oo uu galo kaalinta 2aad, waxa la isugu geynayaa kaalmaha uu ka galay lixda gobol oo ah 1+3+4+3+4+2, iyadoo isku darka darajooyinkiisu noqonayaan 17, ururkaasina wuxuu ka sarraynayaa mid kale oo lixda gobol ka galay kaalmaha 1+4+6+3+5+2 oo isku darka darajooyinkiisu noqonayaan 21, (17 iyo 21 waxa xisbi qaran u gudbaya 17), sidaa darteed marka xisbi amma urur kasta la isugu geeyo kaalmaha uu ka galay lixda gobol, waxa saddex xisbi qaran u gudbaya saddexda isku darka darajooyinka gobolkasta ugu yaraada.

Sida ku cad qodobka 8aad ee xeerka anshaxa, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa awood u leh qabashada doorashada iyo tirinta codadka, intaas kadibna waxay natiijada oo gobolaysan oo ay ku cad yihiin urur amma xisbi kastaa codadka uu helay iyo inta xildhibaan ee u soo baxday, ayaa loo gudbinayaa Guddida Diiwaangelinta oo kala saaraya ururrada/xisbiyadda, isla markaana ku dhawaaqaya saddexda urur ee xisbiyo qaran u gudbay oo shahaadada xisbinimo la guddoonsiinayo.

Qaabka loo kala reebayo ururrada ee ku salaysan qodobka lixaad ee xeerka anshaxa doorashada, waxa si weyn u bogaadiyey deeq-bixiyeyaasha ka taageera Somaliland arrimaha doorashooyinka, kuwaasoo ururrada/xisbiyada ugu baaqay inay u hoggaansamaan natiijada qodobkan ee sida wadajirka ah loo saxeexay.

Dhinaca kale, doorashada maalinta Arbacada dhacaysa waxa lagu dooranayaa xildhibaannada golayaasha degaanka dalka, kuwaasoo aan kuraasta ugu kala guulaysanayn sida ay u kala cod badan yihiin. Tusaale ahaan; golaha degaanka Hargeysa oo 25 kursi ka kooban, kuma fadhiisanayaan 25 murrashax ee ugu codka bata caasimadda, laakiin xisbi amma urur kastaa tirada kuraasta uu helay ayuu siinayaa murrashaxiintiisa ugu codka badan, iyadoo lagu salaynayo saamiga boqollayda ururka amma xisbigu helay.

Bakipress

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: