BakiPress.com

Gudoomiyaha Xisbiga waddani Cabdiraxmaan Maxamad Cabdillaahi (Cirro) oo ku sii jeeda Burco iyo abaabul xooggan oo halkaa ka socda

Posted by admin on November 23, 2012


Hargeysa (Bakipress)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADDANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayo oo ka  tirsan masuuliyiinta ururkaasi ayaa caawa u kicitimay oo u sii jeeda magaallo madaxda gobolka Tog-dheer ee Burco, halkaasi oo uu khudbad uga Jeedin doono Sabtida Beri gunaanadka kaltanka olalahooda doorashadda taageereyaasha WADANI ee magaalladda Burco.

Waxa  sida ay ku soo waramayaan Weriyeyaashayada gobolka Togdheer magaaladda Burco ka socda abaabul balaadhan oo lagu soo dhawaynayo Guddoomiyaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka WADDANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo maalinta afraad ee Ololaha doorashada deegaanka ku soo khatimaya Khudbad uu fagaaraha Khayriyadda Burco uga jeedin doono Kumaanaan ka mid ah Taageereyaashooda Magaalada Burco.

Waxa kale oo Guddoomiye C/Raxmaan Cirro uu uga duhurnimadda Beri u kicitimi doonaa Magaaladda Oodweyne ee gobolka Daad-madheedh, halkaasi iyadana la soo weriyay inuu ka socdo abaabul balaadhan oo taageereyaasha iyo xubnaha Ururkaasi ugu jiraan inay ku soo dhaweeyaan weftiga Guddoomiyaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha Urur-siyaasadeedka WADDANI.

Dhinaca kalena Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Ururka WADDANI iyo wefti uu Hoggaaminayo ayaa iyaguna u  baqoolay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, halkaasi oo Sabtida beri Khudbad uga jeedin doono Fagaaraha Beerta Xoriyadda Taageereyaasha urur siyaasadeedka WADDANI.

Cumar Maxamed Faarax Somaliland.Org/Hargeysa cumarmfaarax@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: