BakiPress.com

suugaan 1

koofilhttp://www.golkhatumo.com/maqal.htmGabaygan

waxa tiriyey Ugaas Nuur oo ahaa gabayaa miisaan leh, murtidiisuna muc weyn ay leedahay 

 

 

 

Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay

 

Nin ii daaqsanaayana maxaan daafidaw kariyey

 

Jidhku nimaanu doonayan maxaan hadalka deeqsiiyey

 

Ma degdegoe xaajada maxaan uga dulqaad yeeshay

 

Weji debecsan daymo aan dareen galin dubaaqiisa

 

Debna furan dabuub anu ka degin deexashiyo muuso

 

Qosol dibadda yaaloon ka iman dhuunta dacalkeeda

 

Kanandegey kanan doorka biday kani danbaanmooday

 

Waxan dood kaftana sheekadaa ugu daleeyaaba

 

Dabinkaan u dhigay maalintuu degelka soo saaro

 

Intiyoon dawaarka ugu rogay xelladna u daadshay

 

Isagoon digniin qabin maxaan kaga dayaansiiyey

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

 

Gabeygan waxa tiriyey ugaas nuur, wuxuna u tiriyey ugaaskii ina gunti weyne markii lagu dilay dagaalka loo yaqaan dadaalkii ina gunti weyne waxan u yidhi:

 

Kabaal negi kobtii laygu dhalay keydka inankeyga

 

Kumbuskiyo kublaalaw hadaad kaw ku leedahaye

 

Iidoor wuxuu kibir lahaa  keenadaan galiyay


Kablalaxu halkuu gebiahaan kabo la’aan yaacay

 

Koomade kadeedkaan marshiyo koortan ku dhawaajay

 

kutaanyadu waxay faras lahayd laysku wadakeeney

 

kobtoor iyo dixdii lay kulmee layga kari waayey

  

malaha ciise wuu soo kam’ee waa kas aadamae

 

Kidkidshaha kibaarkiyo kurbada kololoh kayrkayrka

 

Korka damaca kaarkiyo hammiga kaalufkiyo geydha

 

Kadiskiyo kadaaliga kaclila weerka kadalooba

 

Kudka kulul kamiintiyo hadduba wayku kiciyaane

 

Kuman guuto kaydkiyo hubkaad lahasho kooreysey

 

Karkaarada wadkaagiyo halaag kugula keynaanye

 

Kubkuu kaa jebshaa aabigii kula karaaraaye

 

Karaahida ka joog maalintaan kuula imid kaalka

 

Kohashadii karaamada lahayd kedeb lagaa saarye

 

Korme qooqay oo laqan koraa baarqab koran moodye

 

Kelidii labaan ayaa kunciil uunka kala geeyey

 

Kancaan iyo nabruud bay hortaa kudo ka tuureene

 

Karti iyo garaad keenadiid lagu karaameeyey

 

Kolkaad tidhi anaa kuul ku xidhi keni adaygaaga

 

Kelyihiyo laxaad kii ku hoday laqankii kaa keeney

 

Halkaad kuudadiyo geeriday kuu horkacayeene

 

Kuhaankaad ka soo faashatee sixirka kuuskuusay

 

Kumudkiyo dibuu kawshadkii kuu tafaafulaye

 

Kabuudshaha hankaagu kasbaday waxan kusookoobay

 

Gafkii nagu kibree nagu kama’a ee kaadso laga waayo

 

Kabo dhiiga waan siin jirniyo kalax dhunkaaleedee

 

Kiriirta iyo waa kaa kabadan koronkor meydkiiye

 

Kurus geel ka soofeen lo’aad timir la kuuskuusay

 

karuurka iyo dhaydaba nin uu buuxo kidinkiisu

 

kari waa inuu nabad ku cuno kimista tiisa ahe

 

Kobci nabadgelyada oo masiibada ha kookoollin

 

Ku waantoonbi weydoo lagaa maadin kari waaye

 

Adigaba kaskaagaa ku dhigay karinkan jiifeede

 

Kacoo weyseyso waadigii kibirka waalnaaye

 

Gabaygan oo anaan hayn magaca qofka tiriyey, laakin sida gabayga ku cad u tiriyey nin reer Sh.samaroon ihi akhris wanaagsan.

 

 

hadaad gabay taqaanba waa la hubsan doonaaye 
hidde iyo wasiir uma ad lihid hansho weeyaane
habaarbaa ilaah kaaga riday hadal wanaagiiye

haydalas iyo gun waa caadadeed hafar nuxuseede
humbaaliga amxaariyo markii cadow i haaliigey
haddaad hoodo mudaan hulqow waa nasiibkaaye

sidii bay hubkoodii u sitaan hanaddadaydiiyee
sidii bay u heesaysanyiin maydal himirkiiye
sidii bay halkii ay u galaan hirib ka duulaaye

hadhka kuuma daayeen haddii aan heshiis dhicine
hilfahaa an kuu qaadi laa hiimamoowyada e
hiilkii an kuu hidiyey baa la isku haystaaye

hircaleenle haradii bakiyo kalowle hoostiisa
harawiyo hindhaysiyo intii heelad samarron ah
hoogii tacliintiyo fank iyo heerabka aqoonta
halkuu ebbe igu beeray iyo lama huraankayga
dalkay hibadu saarrayd ayaan nabad hobsheeyaae

samaroon la’aantii xornimo lama hawaysteen
heeraabka nabaddaan u dhigay hoorri waa mooge
horta waa abaalkay inaad hilowle boodaane
halaanhalka iyo hodhodhooda iyo hees waraabeedka
huqda iyo xumaantaad qabtaan hiijadiyo ciilka
habaarkiyo awaytida isla hela waa habeen dumaye