War Deg-dega:Beelaha Gadabuursi oo guushii raacday horyaalka xildhibaanada golaha degaanka Gobolka Salal ee magaalomadaxda Saylac kadibmarkii ay heleen 11 xildhibaan, halka beelaha ciise iyaguna ay ka heleen 6 xildhibaan oo qudha
Posted by admin on November 30, 2012
Saylac(Bakipress) – Degmada Saylac ayaa wararka naga soo gaadhayaa ay sheegayaan in tiradii sanaadiiqda dhammaan caawa la soo gabogabeeyey. wararku waxa kaloo intaa ay ku darayaan in xildhibaanada golaha degaanka ee saylac oo ka kooban 17 xubnood ay qayblibaax ka qaateen beelaha Gadabuursi oo iyagu ugu badan degaankaasi iyagoo helay 11 xildhibaan, halka beesha ciise oo min Itoobiya illaa jabuuti lagaga soo daabulay gawaadhi ay ka heleen 6 kursi oo qudha iyadoo dawladda Jabuuti dabakarriix ay ku keentay dadkaasi iyo weliba dad Orommo ah oo ciise lagu sheegay.
arrintu si kastaba ha ahaatee waxa la sheegayaa in xisbiga kulmiye uu ugu horreeyo degamada Saylac, xisbiga wadanina yahay ka labaad. mar an wax ka weydiinay liiska xildhibaanada doorashada ku guulaystay doorashada, ilowaredka xogtan u soo tabiyey Bakipress ayaa ka magacdhabay xildhibaanada, Mustafe Xasan Cabdillaahi oo reer Maxamad ah kana tirsan xisbiga wadani iyo xildhibaan labaad oo isaguna reer Maxamad ah, xildhibaan reer Nuur ah, 5 xildhibaan oo Bahabar Celi ah, 2 xildhibaan oo reer Dudub ah iyo hal xildhibaan oo abrayn ah, wuxuna sheegay in liiska xildhibaanaada berrito si rasmiya komishanku u shaacin doono.
mar an wax ka weydiinay shucuurta dadweynaha halkaa deggan, ayaa wuxu noo sheegay in dadweynaha reer Saylac damaashaad iyo farxaday isla oogsadeen kadib markii warkan ay maqleen, waxana illa hadda socda oo wakhti danbe ay tahay damaashaadkii iyagoo ciyaaraya ciyaarta sayliciga oo kamid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee saylac ay caanka ku tahay.
waxan sugnaaba waa liiska xildhibaanada iyo intuu waagu ka baryayo iyo guul
isha ku hay Bakipress iyo wixii warar ah ee soo kordha.











![After rain...[explored] #8 After rain...[explored] #8](http://static.flickr.com/5336/8770803382_265708357d_t.jpg)










Anonymous said
gadabursi indha xafajo meshaa waa iska sheganaysin ee ciise dhulka aad kuu so qaxdeen uu idinka darerin