BakiPress.com

Wasiir Cali Xaamud Jibriil oo kabaha la maray Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Maxamd cabdillaahi Cumar

Posted by admin on January 19, 2012

Hargeysa(Bakipress) Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa la sheegay shirkii Golaha Wasiiradda ee Maanta oo lagaga hadlay mudahaar ay xukuumaddu abaabulayso maalinta Sabtida ah inay isku af-dhaafeen oo ay dood adagi ku dhex martay kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Madaxweynaha iyo Golaha u soo bandhigay in laga gaashaanto halis ka iman karta Gobolka Awdal oo uu tilmaamay in dhaqdhaqaaq lagu doonayo in Maamul Goboleed lagaga dhawaaqo.

“Arrintan ayaa la sheegay in Wasiir ku-xigeenku si weyn uga cadhooday isla markaana uu ku Eedeeyay wasiirka in uu warbixin qalad ah Madaxweynaha iyo Golaha siinayo, waxaanu sheegay inaanay jirin arrin caynkaas ahi haddii ay jirtana Wasiiradda Gobolkoodu tahay waajibkooda inay wax ka qabtaan ee aanay u oolin Wasiirka Arrimaha Dibedda, waxaanu si ba’an ugu weeraray Wasiirka oo uu ku tilmaamay inaanu waligii arag Magaaladda Boorame ee uu ka waramayo.”

Doodan ayaa la sheegay in ay kor u qaaday xaraarada fadhigii manta isla markaana ay dhalisay in weerar iyo Weerar celis ay isku qaadaan labadaas wasiir, hase yeeshee ma jirto go’aan rasmi ah oo arrintaa laga qaatay inkasta oo la isku raacay in Boorame loo diro Wasiir ku-xigeenka si uu u abaabulo isku soo abaxa Sabtida lagu taageerayo Madax banaanida Somaliland

Dhinaca kalena Marawada Madaxweynaha ayaa la sheegay inay manta ku qabatay Qasriga Madaxtooyadda kulan ay ku shirinaysay Dumarka Ururada Siyaasadda kuwaasoo la sheegay inay kala hadlaysay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen abaabulkaasi.

Sidoo kalena Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa qaar ka mid ah Ururada Bulshada xarunta Dawladda hoose ugu qabatay kulan kale oo ay ku abaabulayso sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen isku soo baxaasi.

Isku soo baxan ayaan ilaa hada si rasmi ah aanay ugu dhaqaain xukuumaddu inkastoo abaaulkiisa ay wado Madaxtooyaddu lamina garanayo in maalintaasi la fasixi doono shaqooyinka Qaranka iyo Dugsiyadda Waxbarashada

 

Advertisement

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.