BakiPress.com

Heshiiska Ceelbardaale Ee Xukuumadda Rayaale Ee Hagaaska Ihi Hadda Bilaabaysaa Waa Meel Ann Doonayey Roob Igu Eri Oo Dadka Walaalaha Ah Inay Hubka Isugu Dhiibaan Bay Wadaan Qawlaysadata Dalka Haysataa Si Doorashada Dib Loogu Dhigo

Posted by baashe12 on July 9, 2009

Rayaale iyo xukuumaddiisu somaliland marnaba daacad uma aha, waxa dawladda isku sheegayaana waa qawlaysato dan gaarihii midaysay, dantaa gaarka ah meel uga soo wada jeeda si kastoo xaalku u qadhaadhyahay, doorashada dalkana si kastoo suurogal ah inay dib ugu dhigaan oo meeshaa ay u sii fadhiyaan ayey rabaan. waxa kaloo iyadana an shaki ku jirin inay taladeedii wadaan sidii doorasho dib loogu dhigi lahaa arrinta ceelbardaalana waa meel an doonayey roob igu eri iyo sabab fiican oo dantooda u sahlaysa si berrito markay arrinta ku galgashaan ee labada qolo haddana kala cadhoodaan, dalku nabad maahee waa in doorashada dib loo dhigaa si ay u yidhaahdaan, taas oo distoorkuna oggolyahay laakiin shacabka reer somaliland dantooda an ahayn, waxana arrimahan ka marag ah:

Wasiirka maaliyaddu wuxu sheegay markii UDUB labada garab u kala jabtay in adduunka ay jiraan dalal dib u doorta madaxweynaha wax wanaagsan ka qabta dalka u madaxda ka yahay markaa haddaan nahay udub inan Rayaale dooranna sax ayaan ku nahay. waxa isla hadalkiisaa ku jiray inad xasuusataan mooyaane: “dadka intii isku dan ah ayaa isku qolo ah.” hadalkaa tuugno ma xado oo waa danta bahaysay qawlaysatada dalka xoogga ku haysata, iyo dibu kordhintii rayaal ee guurtidu saxbay ahayd oo dalka nabadi kamay jirin labadii jeerba. waxanad arki kartaa inay doonayaan ceelbardaale inay noqoto sabab kale oo ay u yidhadaan dalka nabadi kama jirto si dorashada loo riixo haddana

waxa taa ka danbeysay in wasiirka duulista hawada Cali waran cadde isna u yidhi waa inan distoorka dib an u furnaa oo sida dawladda jabuuti u dooratay madaxweynahooda Ismaaciil cumar somaliland Rayaale u doorataa mar kale. hadalkaasii wuxu yidhi wasiirku maru u doolaayey dalkaa djibuuti oo shir halkaa lagu qabtay u ka qaybgalay. isla hadalkaasi wuxu la mid yahay hadalka wasiir cawil hore u yidhi.

way ka soo waaddey, Madaxweyne-ku-xigeenka somaliland ayaa isna yidhi toddobaad ka hor “kollay waxa la na odhan doonaa dawladda ayaa codsatee doorashada dib ha loo dhigo” Axmed Yususf isagoo arrintaa sabab uga dhigaya in ay jiraan xagga doorashada, guddomiyeyaal gobol, guddoomiyayaal degmo, ku xigeenno, xoghayayaal iyo shaqale kale oo gaadhaaya ilaa 700 oo qof kuwaas oo hawsha ay qabanayaan ay aad u culustahay, marka laga tego komishanka doorashada, sidaa daraadeed u sheegay in wakhtiga doorashada dib loo dhigo.

Axmed yuususf waxa itaa u dheer isaga oo yidhi dhawaan waa in guddi la saaraa soo baadha musuqmaasuqa ka jira komishan dhexdiisa. arrintaas oo hadda dalku anu u baahnayn loona arko in xukuumaddu rabto uun inay saymayso waxa-alla wixi dib u dhigi lahaa doorashada

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha ka soo yeedhay 8/7/09 ee ku saabsan xillinta khilaafaadka ceelbardaale dadweynaha reer somaliland waxay u arkaan isna badidoodu arrin kale oo dawladdu waddo si dooraashada khalkhal loo geliyo oo wakhtigan xaadirka ah dadka iyo qaranimada somaliland labadaba an dan u ahayn balse qawlaysata dalka xoogga ku haysata dantooda ah iygaoo dadkana isu tusaya inay ka jawaabayaan baaqyadii faraha badnaa ee qurbajoogga reer gabilay ku soo qarqiyeen mareegaha somaliland oo dhan. waxana la rabaa in labada reer hubka la isugu dhiibo wixii go’aya yeelkoode, deetana ay yidhaahdaan dalka nabadi ma jirto sidaa darteed waa in doorashada dib loo dhigaa.

sidaa darteed, waxan kula talinayaa labada dad ee walaalaha ah ee wada dega degaanka la isku hayo, heshiiska ceelbardaale  xukuumadda Rayaale hadda ay ka bilaabaso waxa la rabaa in lagu burburiyo doorashada soo socota, ee reer gabilay iyo reer dila waxay wadaagaan wax ka weyn dhawrka beerood, taasoo  ah qaranimada somaliland ee maanka arrinta ka ogaadaan in qawlaysatada dalka xoogga ku haysataa danaheeda ay wato si meesha ay isaga fadhiyaan, taasoon dan u ahayn shacabka reer somaliland ee mar qudha inay helaan madax daacad ah oo hoggaanka dalka qabta aadka ugu oomman si farxad iyo cisi dalkooda hooyo ay ugu noolaadaan. ha ka yeelina arrinkaa, waana in laga hortegaa, waayo salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa, wakhti kale oo ka habboon hadda an ahayn oo arrinta la gudo gali karaa waa badanyahay ee hadda ha la diido walaalayaal, waayo danta guud iyo qaranimada somaliland ayaa la rabaa in lagu burburyo.

wa billaahi tawfiiq

mustafe ibrahim

Hargeysa – somaliland