Madaxweyne Rayaale Wuu Ka Qaxweeyey Kana Qayiley, Kuna Qaadleeyey Qaranimadii Somaliland Ee Sida Sharafta Leh Loogu Dhiibtay
Posted by baashe12 on June 26, 2009
in dhaweydba waxa jira warar jaraa’idka ku soo noqnodonayey kuwaas oo sheegaaya in Madaxweyne Rayaale oo qaadle ahaan jiray markiisii hore intaan xilka madaxweynenimo loo dooran, inu si fiican uga qaxweeyey, guryo iyo gawaadhi iyo hanti aad u baddanna u ka faraqabsadey siduu doonaba ha ku helee madaxnimada iyo qaranninada somaliland. haddaba, wararka jaraaidka marka laga tago waxa jira warar laga soo xigtay niman siyaasiyiin ah oo dalka somalilnad aad looga qadariyo oo ka maragkacay arrintaa iyada ah oo aw ugu horreeyo Faisal Cali waraabe, Gudoomiyaha xisbiga qaranka ee UCID. mar arrintaa jaraaidka aw uga warramayey Faisal wuxu sheegay inu indhihiisa u ku soo arkay sar dhawr dabaq ah oo ku taala dalka imaaraadka Carabta oo u Iibsaday Madaxweyne Rayaale. waxa wararku intaa ku darayaan inay jiraan guryo kale oo qaahira u ka iibsaday iyaguna oo jaraaidku ay soo bandhigeen mar hore. intaa marka laga tago waxa kaloo la sheegayaa guryo aad u farabadan oo Borama u ka iibsaday, guryahaas oo qaarna isaga iyo xaaskiisa ay ku qoran yihiin qaar kalena ay ku qoran yihiin dad ay Rayaale xigto hoose ay yihiin .
dhanka kale markaan eegno, mar jaraa’idku arrinkan ka waraysteen dadweynaha ku dhaqan magaalomadaxda Hargeysa bal siday u arkaan oo makarafoonka ay la dhex qaadeen, dadku waxay sheegeen iyagoo hareeraha iska eegaya marka su’aalaha ay ka jawaabayaan baqdin awgeed inay xataa hargeysa dhexdeeda Rayaale u ka iibsaday guryo badan iyo jagooyinba. nin dadweynahaa la wareystay ka mid ah oo magaciisa ku soo koobay Hurre ayaa wuxu noo sheegay in Rayaale si wanaaagsan meesha uga qaxweeyey ugana qayileyey berigii u ilkaha sare qabay, taaso keentay inu ku meesha ku ilko beelo oo hadba markuu muddo joogaba ballan ilkood yurub iyo jarmalka uga baxo, marka u soo laabatana jaraa’idka u sheego in qaddiyadda inctiraafka ee Somalilnad meel wanaagsan ay marayso, dalalka u soo maray oo dhanna meel fiican ay wax isla dhigeen – “hadda waxba kama jiraan oo waa buhuu-baahye la soco” ayuu yidhi Hurre.
arrintu si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Rayaale mar u ka jawaabayey su’aal jaraa’idku ay weydiiyeen oo ahayd dalka kuwait ma kala hadashay aqoonsiga somaliland wuxu ku jawaabay: “walaahi arrinta ictiraafka waxa ka horreeya dhaqaalaha, waxanan kala hadlay dawladda kuwait een saaxiibka nahay bal sidii ay innoga caawin lahaayeen dhinaca caafimaadka, wadooyinka, waxbarashada iyo dhaqaalaha oo anigu an u arko arrimaha dalkeenu u baahan yahay ee ugu muhiimsan, iyaga oo noo sheegay inay inoo soo diri doona hay’adhooga u qaabilsan arrimahaas, oo berigii horena somalia wax ka qaybtay.” hadalkan madaxweyne Rayaale oo noqday mid dadka reer somaliland aad uga cadhaysiiyey ayna la yaabeen, mar haddaba arrintaa dadka reer somaliland waxa laga weydiiyey waxay yidhaadeen: Ina Rayaale wax marnaba somaliland dan u ah meesha umaanu tegin ee birqalaxdii warshedda sibidhka ka soo hadhay ayuu ku soo qaadleeyey oo meesha ku soo gaday isagoo sii kaxaystay nimana iskraapka ka ganacsada oo reer Berbera ah. mar dadka la weydiiyey siday u arkaan arrinta ictiraafka ee Rayaale mudnaanteeda ka hor mariyey dhaqaalaha waxay yidhaahdeen: ” ina Rayaale inta meeshaa madax u ka yahay somaliland ictiraaf ma helayso waxa kaloo intaa ay raacsheen inay jirto arrinta xoolaha oo jabuuti loo wareejay, shirkadda Total, dekaddii Berbera oo xidhantay, abaaro dalka ka jira iyo shaqola’aan baahsan oo dadkii naftu hayso. Bulxan xuseen oo dadkii an arrinka wax weydiinay ka mid ahaana wuxu intaa ku daray “waar horta waligaa gar qaadle lama qaado lamana galo, siyaasad qaadlana somalilnad iyo caalamkaba Rayaale ayaa u horreeya waataaso dhan alla dhan loo qaado la garanmaayo, wax kale oo an ku sheego garan maayee Rayaale qaadwale qaranimadii Somaliland wuu ku qaadwaleeyey uun iga dheh.” oday bulxan oo hadalkiisaa dadweynihii hareetiisa taagna qosol ay isku dareen.
hadal iyo dan, dadweynaha reer somaliland ayaa beryahan dabe aad mooddaa inay aad uga niyad jabsanyihiin Madaweyne Rayaale iyo dawladdiisa, kalsoonina an ku qabin inu Rayaale Ictiraaf dalkan u keeni karo amma ha dheeraato amma ha dhawaatee.
Cumar Kaahin – freenlance journalist
Hargaysa – Somaliland
Bakipress










