Saylici Oo Ku Eedeey Dawladdu Inay Ka Warwareegayso Doorashada
Posted by baashe12 on June 24, 2009
Hargeysa(Ramaas) June 23, 2009 – Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Cabdi-raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xukuumada Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inay ka war wareegayso inay dalka ka dhacdo doorashadii Madaxtooyadu.
Md. C/Raxmaan Saylici, wuxuu sidaasi ka sheegay maanta mar uu ka soo laabtay dalka Jabuuti oo uu socdaal gaar ah oo qaatay muddo 11 cisho ah ugu maqnaa, waxaanu tilmaamay inuu mudadii uu joogay dalkaasi uu kulamo la yeeshay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka Jabuuti isla markaana uu kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan xukuumada dalkaasi.
Murashaxa Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga KULMIYE, oo qolka nashada ee madaarka Hargeysa ugu waramayay Saxaafada ayaa wuxuu yidhi“Socdaalkayga Jabuuti wuxuu iska ahaa socdaal iska shakhsi ah oo gaar ah, waxaanan ku maqnaa muddo toban cisho ah,laakiin haddii nin siyaasiyi uu meel tagana hawlihiisa siyaasaddeedna wuu galayaa, kollay Jaaliyada reer Somaliland ee wadanka Jabuuti kulan ayaan la yeeshay, madaxda reer Jabuuti qaar ka mid ahna waan la kulmay, waxaanay jaaliyadeena iyo dawladaasiba ay danaynayeen in doorashada madaxtooyadu ay si wanaagsan u dhacaan.”
“Kollay kulankaygu wuxuu ahaa mid aan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawlada Jabuuti oo gaar gaar ah, waxay ii sheegeen inay danaynaan nabad-gelyada Somaliland, waxaanay tilmaameen inay khaatiyaan joogaan dhibaatada ka sii socota Somalia oo ay dawladeeda Jabuuti ku dhiseen,”Ayuu yidhi Md. Cabdi-raxmaan Saylici oo la weydiiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen saraakiil reer Jabuuti ah oo uu la kulmay.
“Markay arkaan yooyootanka xisbiyadeena ayay mar marka qaarkood yidhaahdaan malaa Somalilad-na waxay ku biirayaan oo ka dilaacaya qalalaasaha Somalia ka socda oo kale. laakiin waxaan u sheegay in hadalkeenu uu yahay mid afka uun ah balse aanay waxba ka dhacayn oo ay Dimuqraadiyaddi ka jirto Somaliland oo uu tartan uun ka jiro, waxaanay masuuliyiintaasi ay ii sheegayeen inay jecel yihiin Somaliland oo nabad-gelyo ah, maadaama oo aynu nahay laba dal oo jaar ah.”ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga KULMIYE.
Md. C/raxmaan Saylici, oo la weydiiyay siday Jabuuti oo aan lahayn dimuqraadiyad sal balaadhani siday u arkaan Hanaanka dimuqraadiyada Somaliland, waxaanu yidhi “Horta runtii dal walba waxa u gaarka ahi waa wax gaar u ah isaga, siday yeelayaan iyagay u taalaa oo waxa la yidhi carro waliba camal gaar ah ayay leedahay.waxay qabeen in wixii xisbiyada Somaliland u dhaxeeya aanu khusayn balse ay jecel yihiin uun in dariskoodu nabdoonaadaan.”
Md. C/raxmaan Saylici, oo la weydiiyay sida uu u arko u diyaar garowga doorashooyinka, oo qaban qaabadeedu hoosayso, waxaanu yidhi “Anigu kollay KULMIYE ahaan waxaanu diyaar u nahay, inaanu doorashadii madaxtooyada galno bisha 27-ka Bisha September ee fooda inagu soo haysa, waxaanan qabaa in xukuumadani ay ka war wareegayso in doorashooyinku dhacaan, balse Anagu waxa kaliya ee aanu sugaynaa waa in doorashadii la galo.”
Xigasho: Ramaasnews
Bakipress










